Somaliland Iyo Ethiopian Airlines Oo Iska Kaashaday Bixinta Kharashkii Ku Baxay 140 Rakaab Qurbo-Joog Ah .
Posted by abdi on September 17 2013 17:07:34

Hargeysa,(Hargeysa Online)Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa iska kaashaday bixinta Kharashkii ku baxay 140 Rakaab qurbo-joog ah.


Extended News

Hargeysa,(Hargeysa Online)Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa iska kaashaday bixinta Kharashkii ku baxay 140 Rakaab qurbo-joog ah oo shalay ka dhoofay Madaarka Magaaladda Hargeysa ee Igal International Airport. Rakaabkaas oo ay qaaday Diyaaradda Juba Airways ayaa Lacagta ku baxday Flight-kaas ay ahayd $15,700 ayaa Charter Flights ay Ethiopian Airlines bixisay $9,960  halka baaqiga soo hadhay oo ah 5,740 Doollerka ay bixsay Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo markii hore ku heshiiyey inay kala qaybsadaan kharashka ku baxaya Rakaabkaas maadaama ay diyaaradii loo kiraynayey ay ku xidhay in lacagta loo wada-qadimo hadii kale aanay qaadi doonin, taas oo ay sabab uga dhigeen in lacagta dhinaca xukuumadu ay raagayso oo ay wakhti qaadanayso. Rakaabkan 140-ka qof ah ee qurbo-joogta u badan oo ilaa 1-dii bishan September  u xanibnaa Duulimaadadii Ethiopian Airlines ee Madaarka Magaaladda Hargeysa ayaa dhamaantood laga qaaday Cashuurtii dadka ka dhoofaya Madaarada dalka laga qaado oo dhan 34 Dooller oo Baasabooradooda laga qaado iyo 10-ka Dooller ee Naasha ka qaadan jirtay, isla markaana wadarta guud ee lacagta qofkasta laga qaaday ka dhigaysa $ 44. Sidoo kale Ethiopian Airline iyo Xukuumadda ayaa qorsheeyey in Diyaarad nooca Charter-ka ah dadka kale ee hadhay ee Rakaabka ah in lagu geeyo Dalka Djibouti, balse dawladda Djibouti ayaa diiday iyada oo u cuskatay heshiis hore ugu dhexeeyey Ethiopia iyo Djibouti oo xadi-daya tiradda Duulimaadada Diyaaradaha Tijaariga ah ee u kala goosha labada dal. Dhinaca kale Ilo Wareedo Mihiim ah ayaa Hargeysa Online u sheegey in bari wixii ka danbeeya in dadka hadhay ee Ethiopian Airlines-ka ku qornaa  ee wali iyagu ku xaniban Caasimadda dalka ee Hargeysa in lagu daabuli-doono Basas gaadhsiiya Dalka Djibouti si ay halkaas uga raacaan diyaaradda Ethiopian Airlines.

 

Hargeysa Online