Xukuumada Oo Sheegtay In Shirkadii Shidaalka Somaliland Ka Baadhaysay Iyo Diyaarada Ethiopian Airlines Ay Dalka Uga Baxeen Arrimo Amaan.
Posted by abdi on September 22 2013 22:34:08

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirada Daakhiliga Cali Warancade iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib wada xaajood ay Ethiopia.


Extended News

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirada Daakhiliga Cali Warancade iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib wada xaajood ay Ethiopia kala soo yeesheen hakad ku yimid hawlihii Diyaarada Ethiopian Airlines iyo Shirkada shidaalka ee Genel Energy oo iyaduna Somaliland ka baxday oo masuuliyiintooda ay kula kulmeen London iyo Dubai ayaa sheegay in Shirkadahaasi ay hawlahooda u joojiyeen Arrimo Amaan. Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa intaa ku daray in kulanka uu la yeeshay shirkadda Genel Energy ay uga warameen dhibaato amaan daro oo loo geysto iyo hub la iskula hor taagay hawlihii ay waday ee Sahaminta Shidaalka. Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Khaarajiga Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay Mar uu shalay ugu waramayeen Warbaahinta Madaarka Hargeysa oo ay ka soo degaan isaga iyo xubno kale oo xukuumada ka tirsan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Ethiopian Airlines waxay ku salaysnayd arimo amaanka ku saabsan, waanu kala soo hadalnay, nimanbay soo direen security-gooda ah si ay u xaqiijiyaan wararka la siiyey way ku qanceen waanay ku faraxsan yihiin inaan wax nabadgalyo daro ku lug lihi meesha jirin, waxa kale oo aan doonayaa in aan idhaahdo maaha waxani wax ku lug leh Runway-ga iyo farsamada ee waxa ay ahayd wax amaanka ah tiina waanu ka soo qancinay Wasiirka. Waxaanu aragnay Wasiirka Khaarajiga isla markaana ah Raysal Wasaare ku xigeenka oo aanu kala sheekaysanay, wasiirkeena Duulistu aadbuu dhigiisa ugala hadlay, markaa waxa aanu ku faraxsanahay in dawladii ay bilawday hawsheedii, waxyaabaha yaryar ee naga dhimana waanu dhamaynaynaa. Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan idiinka sheego in shir fiican oo balaadhan aanu la yeelanay wasiirul khaarajiga Ethiopia waxaanay ahayd markii ugu horaysay ee aanu saddexdayadan wasiirba aanu la kulano, si xoogleh ayuu noo soo dhaweeyey waanu na dhagaystay, waxa aanu ka wada hadalnay arrimo ku lug leh labada wadan cilaaqaadkooda xaga nabadgalyada xaga dhaqaalaha, xaga bulshada iyo xaga siyaasada ee caamka ah xaga tacliiinta oo ay sugayaan in wasiirka tacliintu u tagto iyo hawlo badan oo ku lug leh cilaaqaadka labada wadan sidii loo xoojin lahaa”. Wasiirka arrimaha dibadu waxa kale oo uu sheegay in dalka Ethiopia uu yahay dalka kaliya ee sita tooska ah u aqbala baasaaboorka Somaliland, wasiirada Somaliland u qaabila sida kuwa caalamka oo kale. Hase yeeshee Wasiir Maxamed Biixi yoonis oo Wariyeyaashu ay waydiiyeen su’aal ahayd in shirkada Genel Energy loo diray iimaylo loogu hanjabayo iyo arrimo kale oo amaanka la xidhiidha ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa weeyaan in dadka reer Somaliland ay kala saaraan Qaranimada danta umada iyo ta shakhsiga ah, waa dhab markaan Genel u tagay waxaan ugu tagay inaan joojiyo oo aan hakiyo ka bixista ay wadanka ka bixi lahaayeen, waxaanu isku aragnay markii hore aniga iyo wasiirka Macdanta ayaa la kulanay waxaanu u duulnay London waxaanu la kulanay madaxdooda, waxaanu aragnay waraaqo dadkeenu usoo qoreen, waxay noo warameen in dadkeenu dhibaato badan u geysteen oo hub la isla hortaagay oo xabado loo qaatay oo dadku aanay fahamsanayn hadii sharikadaa weyn ee aynu isl leenahay Abu Dhabi ayaad la mid noqon doontaan ay inaga tagto inaynu afka dhulka ku dhufanayno, taana ay tahay in dadkeenu ay u sabab ahaayeen oo ay ka geysteen arimo aad u khariban oon hagaagsanayn ninka nin cadaan ah oo wax inoo qabanaya hadidaya ee wax qodaya ama sharikad wax inoo qabanaysa waraaqo usoo qoraya ama ku dacwiyaya waxaan ahay beesha reerkaa anagaa meesha leh, maaha wax hagaagsan. Midna waxaan doonayaa inaan idhaahdo inkasto oo aan wadanka ku cusubahay oo aan mudo ka maqnaa waxaan la yaabaa ninka odhanaya ee warqad u qoraya ee odhanaya waxba ha noo qaban reer hebel baan ahaye. Ta labaad waxa muhiim ah inay dadku fahfaan hantida qaranka oo dhan baa leh ninka saylac jooga iyo ka maydh jooga xaq buu ku leeyahay inuu Burco ka shaqaysto ka burco jogoaa waa inuu fahamaa in umadu ay waxan leedahay, ka saylac joogaana sidoo kale waa inuu fahmaa in waxani uu yahay wax ay umadu leedahay. Umadu aqbali mayso, dawladuna aqbali mayso dad is hortaaga oo aan hagaagsanayn oo ummadan dib u dhigaya. Maxaa yeelay dhaqaale ayaynu rabnaa oo ma nihin wadan la ictiraafsan yahay umaduna waa inay ogaato in hantidani ay tahay mid umada u dhaxaysa oo wadanku leeyahay. Waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ah marka uu gaalku kaaga waramo qabiil iyo qabiil marka aad doonayso inuu kula joogo oo aanu kaa tagin oo isagii uu ku odhanayo reer hebel iyo reer hebel fadeexad weyn ayay aniga iigu muuqataa, markaa anigu waxaan qabaa shakhsiyan inaynu iska ilaalino waxa qarankeena duminaya

Hargeysa Online