Xasan Sheekh Maxamuud oo Raysal wasaaraha Somaliya Saacid fire-gareeyey.
Posted by xaaji on September 25 2013 14:48:41

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in uu Raysal Wasaare Saacid Shirdoon ka dalbaday in uu iska Casilo xilka uu ka hayo Dalka.


Extended News

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in uu Raysal Wasaare Saacid Shirdoon ka dalbaday in uu iska Casilo xilka uu ka hayo Dalka.

Lama oga sababta keentay wakhtigan in uu Xasan Sheekh Maxamuud soojeedintan keeno, hase yeeshee wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya Madaxweyne Xasan in uu arrintaas aad u danaynayo.

Raysal wasaare Saacid oo ka qayb galay shirka Xuquuqda Aadamaha ee ka socda Geneva Switzerland ayaa hawshaas darteed uga soo kicitimay Shirkaasi, isagoo ku soo fool leh dalka Turkiga.

Madaxtooyadda Somaliya ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaaqa arrintan waxaana dabada ka riixaya Wasiirka Madaxtooyadda Faarax C/qaadir, kaasoo wada Olole uu ugu gudbinayo Baarlamaanka in ay Xilka ka qaadaan haddii uu diido soojeedinta Madaxweynaha maadaama Madaxweynaha iyo madaxda intooda badan dalka ka maqan tahay.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in Jagada Raysal Wasaaraha loo wado laba nin oo midkood loo malaynayo inuu noqon doono farmaajo, halka ka kale aan ilaa hada la ogayn.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu Raysal Wasaare Saacid ku qanciyo in uu Xaaskiisa Xildhibaan Caasha siiyo mansab Wasiir Xoog badan maadaama Haweenaydiisu saamayn badan ku leedahay Somaliya.

Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqata in aanay wax badan ka qaban sababihii loo dhisay, waxaanay taasi keentay in wakhtiga u hadhay uu ka faa’iidaysto oo uu keeno dad la jaan-qaadi kara xalka Somaliya.

Hargeysa Online