Madaxweyne Xasan oo New York kula kulmay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka QM.
Posted by xaaji on September 25 2013 15:00:16

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykankakulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga H.H. Saud Bin Faisal.


Extended News

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykankakulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga H.H. Saud Bin Faisal. Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirku ay uga wada hadleen Arrimaha Nabadgelyada, Dhaqaalaha, iskaashiga xiriirka labada wadan ee soo jireenka ah.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u jooga magaalada New York Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay oo maanta furmay ayaa kulankan khaaska ah kala hadlay H.H. Saud Bin Faisal soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya wuxuuna u sheegay in ku dhowaan 30 Safaaradood ay Soomaaliya ka shaqeeyaan, Dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay sidii ay u meel marin lahayd dib u soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa kulan kale la qaatay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas Greenfield, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya guud ahaan iyo dhanka amniga.


Marwo Linda Thomas ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka go'an tahay sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd, Dowladda Maraykankuna garab taagan tahay Soomaaliya mar walba ayey tiri Linda Thomas.


Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay maalinta Khamiista,wuxuuna kulamo gaar ah la yeelan doonaa madax kala duwan maalmaha inaku soo aadan wuxuuna kala hadli doonaa qaabkii lagu taageri lahay dib u habeynta heyadaha amniga iyo soo celinta nabadda.

Hargeysa Online.