Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirkiisa Khaarajiga Oo Maanta Socdaal Ku Tagaya Dalka Turkiga.
Posted by abdi on October 01 2013 16:07:40

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Maanta u socdaali doona dalka Turkiga.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Maanta u socdaali doona dalka Turkiga kadib Martiqaad Rasmi ah oo ay ka heleen Raysal Wasaarada Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Weftiga Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Turkiga oo kulamo yeelan doona ayaa la filayaa inay isla soo qaadaan qodobo dhinaca Horumarinta iyo xidhiidhka labada dale ee iskaashiga. Hadaba si aanu Arintaasi wax uga ogaano ayaa  Hargeysa Online la xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis kaas oo sheegay inay kala hadli doonaan Turkiga sidii ay Somaliland wax ugala qaban lahaayeen arimaha Horumarinta. Wasiirka arrimaha Dibadu waxa uu intaasi ku daray in Turkigu uu mar kasta gacan weyn oo deeqsinmo leh u fidiyo dalka Somalia, balse Somaliland arrimaha ay ka taageeraan aanay badnayn, isla markaana ay jireen balamo hore oo ay u qaadeen Somaliland taana ay kulamada ay la yeeshaan kusoo faqi doonaan. Wasiirka oo si kooban uga hadlaya arintaasina waxa uu yidhi “Casuumad ayuu Madaxweynaha Somaliland ka helay Raysal Wasaaraha Turkiga, waxaanu is leenahay bal wax Development-ka ah uun aad kala hadashaan, maadaama oo Xamar waxyaabo badan oo ay aad wax u siiyaan, inagana aanay badnayn waxa ay ina siiyaan balamo horena ay jireen, xaga dhaqaalaha ah”. Wasiirka oo aanu waydiinay waxa ka jira in Madaxweynu Socdaal uu ku tagi doono Faransiiska iyo in kale ayaa ku jawaabay “Faransiiskaasi ma jiro meel ala meel ay ka timid ma garanyo ilaa hada”. Dhinaca Kale Wefti uu horkacayo Raysal Wasaaraha Somalia ayaa la sheegay inay ku sugan yahay dalka Turkiga, kaas oo la filayo in isna maanta uu dalkiisa ku soo guryo noqdo oo ay isa soo waydaartaan Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee maanta tagaya dalka Turkiga.

Hargeysa Online