Wasiir Samaale Oo Golihiisii Muddada Dheer Uu Shirgudoonka Ka Ahaa Ay Ku Maamuuseen Shahaado Sharaf.
Posted by xaaji on October 03 2013 16:55:00

Shirgudoonka golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale ku gudoonsiiyay Shahaado sharaf ay ugu maamuuseen muddada Distoorku u jideeyay.


Extended News

Shirgudoonka golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale ku gudoonsiiyay Shahaado sharaf ay ugu maamuuseen muddada Distoorku u jideeyay in miisaaniyadaha ay xukuumadu ugu soo gudbiso golaha Wakiilada oo uu ugu soo gudbiyay miisaaniyadaha 2013-ka iyo misaaniyada 2014-ka ee hada golahaasi hortaala. Wasiirka Maaliyada C/casiis Samaale ayaa miisaaniyada 2014-ka golaha Wakiilada u soo gudbiyay dabayaaqadii bishii hore ee September, taas oo Distoorkuna dhigayo in miisaaniyad kasta la gole keeno bisha October. Fadhiga shalay oo uu gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) oo wasiirka Maaliyada ka soo xaadiray, isla markaana ay su’aalo ka waydiiyeen odoroska miisaaniyada 2014-ka ee golaha hortaala ayaa si rasmiya wasiir Samaale loogu gudoonsiiyay Shahaado sharaf ay ku maamuuseen golihiisii uu muddada dheer shirgudoonka hogaamintiisa uu ka mid ahaa, oo isagu muddo badan xukuumadii hore ku eedayn jiray dib u dhaca miisaaniyadaha xilliga Distoorka qaranka iyo shuruucdu u waajibayay in lagu gole keeno. Wasiir Samaale ayaa isagu muddadii uu xilka hayay dariiq cuusb u jeexay soo gudbinta miisaaniyadaha.

Hargeysa Online