Wakiilada Oo Meel Mariyay Xeerkii Bileyska Ee Ku Dhex Rafanayay Iyo Qaadhaan Lacageed Oo Ay Ugu Tabaruceen Dhismaha Jidka Burco.
Posted by abdi on October 06 2013 22:17:52

Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku meel mariyey xeerka ciidanka Bileyska oo muddo shan bilood ah ku dhex rafanayay.


Extended News

Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku meel mariyey xeerka ciidanka Bileyska oo muddo shan bilood ah ku dhex rafanayay, sidoo kalena ku meelmariyay in muddo sanad ah mushaharkooda ay bishiiba u jaraan $100 dhismaha waddada isku-xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo. Fadhiga shalay oo uu gudoominayay guddoomiyaha golahaaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa goluhu ku meelmariyay xeerka ciidanka Bileyska, kaas oo ay ogolaadeen ansixintiisa 35 mudane, 3 mudane ayaa diiday, 10 mudane-na way ka aamuseen. Waxa kale oo goluhu fadhigiisa shalay uu ku meel mariyay mooshin lagu soo jeediyay in muddo sanad ah lacag dhan $100 mushaharka xilhibaanadu qaataan looga jaro dhismaha waddada Burco iyo Ceerigaabo, waxaana ogolaaday 33 mudane, 7 mudane way diideen 3 mudane-na way ka aamuseen. Koox ka mid ah xildhibanaada golahaasi oo iyagu sidoo kale u ololaynayay in lacag qaadhaan ah loogu tabaruco dhismaha waddada Burco iyo Oodweyne ayaa iyaga lagaga adkaaday soo jeedintii ay ugu olalaynayeen in lacag qaadhaan ah goluhu u jaro dhismaha jidka isku xidha Burco iyo Oodweyne.

Hargeysa Online