Roobab Ka Da’ay Awdal Oo Khasaare Dhaliyay Qaadayna Gaadhi Ay Lahayd Wasaarada Beeraha Ee Degmada Baki.
Posted by abdi on October 08 2013 16:45:11

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Baki ee gobolka Awdal Maxamed Aw Axmed Caateeye ayaa sheegay in roobab ka da’ay gobolka ay dhaliyeen khasaare hantiyadeed.


Extended News

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Baki ee gobolka Awdal Maxamed Aw Axmed Caateeye ayaa sheegay in roobab ka da’ay gobolka ay dhaliyeen khasaare hantiyadeed iyo isu socodka gaadiidka oo xermay. Gudoomiye Caateeye oo la hadlay Hargeysa Online ayaa sheegay in daadad ka dhashay roobab xooggan oo da’ay maalmihii u dambeeyay ay keentay in uu qaado gaadhii ay laheyd wasaaradda Beeraha ee degmada Baki. Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in masuuliyiin wasaaradda ka tirsaneyd oo gaadhiga saarnaa ay ka badbaadeen. Isla markaana dhaawac fudud soo gaadhay, ayna u gurmadeen ka maamul ahaan, Wuxuu xusay in roobabka ay sidoo kale khasaare gaadhsiiyeen dhul beereed ku yaalla degmada Baki ee gobolka Awdal. ilaa iyo hadana lama garan karo khasaaraha gaadhay dhul beereedkaasi inta uu le'eg yahay, balse wuxuu intaas raaciyay in Gaadhiga ay saarnaayeen masuuliiyiinta Beeruhu uu soo eegayay khasaaraha Beeralayda.Gudoomiyaha Baki wuxuu codsaday in gurmad lala soo gaadho dadkaasi, Isla markaana loo baahan yahay in wefti nala eega khsaaraha loo soo diro degmada, wuxuu intaas raaciyay in uu la socod siiyay maamulka G/Awdal iyo ka Dawlada sare. Roobka oo ah kuwii deyrta ayaa sidoo kale daadadkii ka dhashay waxey hakad geliyeen isu socodkii gaadiidka u kala gudba degmooyinka Seylac iyo Boorama, iyadoo gaadiid badan ay ku xanniban yihiin waddada u dhaxeysa labada degmo. wadadaasi oo ah mida gaadiidka ugu badani maraan ee iskaga goosha Dhinaca Wadanka Djibouti iyo Somaliland.

Hargeysa Online