Somaliland Oo Balan Qaaday Inay Horumarinayso Amaanka Markii Genel Energy Joojisay Hawlihii Ay Ka Waday Dalka.
Posted by abdi on October 08 2013 16:50:44

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Dawlada Somaliland ay hawlgalisay khubaro gaar ah oo eegta amaanka dalka kadib markii Genel Energy oo hawlo sahamin shidaal ka waday dalka ay joojisay.


Extended News

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Dawlada Somaliland ay hawlgalisay khubaro gaar ah oo eegta amaanka dalka kadib markii Genel Energy oo hawlo sahamin shidaal ka waday dalka ay joojisay. Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu intaa ku daray in koox uu ka mid yahay John Holmes, oo hore taliye uga ahaa ciidamada gaarka ah ee UK ay todobaadkan Hargeysa ka soo saari doonaan warbixin ku saabsan amaanka gobolka. Sida Barta Internetka ee http://www.bloomberg.com ay qortay. Shirkada Genel oo xarunteedu tahay London oo uu gudoomiye ka yahay madixii hore ee shirkada BP Plc (BP/) Tony Hayward, ayaa sheegay Sept. 8 inay wakhti kooban oo ku meelgaadh ah ay joojiyeen baadhida shidaalka ee shan meelood oo Somaliland ah kadib markii ay ka sii dartay xaaladu. Warbixinta ay kooda khubarada ahi soo saari doonaan ayuu wasiirka Arrimaha dibada Somaliland uu sheegay inay cadayn doonto waxa uu yahay amaan darada u baahan in meesha laga saaro, waxaanu intaa raaciyey inay dhinacoodana buuxin doonaan wixii dhinaca amaanka ah ee walwalka laga qabo. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Dawlada Somaliland ay qaadayso talaabooyin ay kaga hortagayso weeraro uga yimaada Al-shabaab oo ah Maleeshiyo Islaamiyiin ah oo ka jira Somalia. Somaliland waxa weeraro ismiidaamin ah lagu qaaday bishii October 2008, markaas oo la qarxiyey Aqalka Madaxtooyada Somaliland, Safaarada Ethiopia iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa oo ay ku dhinteen weerarkaasi ugu yaraan 23 qof.

Hargeysa Online