Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo La Sheegay Inay Abaabulayaan Mooshin Lagu Minjo Xaabinayo Gudoomiye Saleebaan Oo Safar Caafimaad Ugu Maqan UK.
Posted by abdi on October 08 2013 16:56:42

Kooxo Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay abaabulayaan mooshin lid ku ah guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan oo safar caafimaad xilligan ugu maqan dalka UK.


Extended News

Kooxo Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay abaabulayaan mooshin lid ku ah guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan oo safar caafimaad xilligan ugu maqan dalka UK.

Shirgudoonka golahaasi ayaan ilaa hada ka hadal dhaqdhaqaaqyadaasi la sheegay inay wadaan xubno ka tirsan golaha Guurtida. Ilo wareedyo u dhuun-daloola golahaasi Guurtida ayaa tibaaxaya in qaar ka mid ah xubnaha Guurtidu oo labadii maalmood ee u dambeeyay shir doceedyo ku yeeshay Hargeysa ay kaga wada hadleen sidii mooshin lid ku ah gudoomiyaha Guurtida ay golaha u horkeeni lahaayeen todobaadka soo socda, kuwaas oo intaa ku daraya in xildhibaanada taabacsan gudoomiye Saleebaan ay iyaguna shirar ay kaga hortagayaan dhaqdhaqaaqyadaasi lidka ku ah ay iyaguna maalintii shalay ku yeesheen caasimada, isla markaana ay qaylo dhaan ugu direen inuu si dhakhso ah dalka ugu soo guryo noqdo soona gaadho ololayaasha ka dhanka ah ee golaha dhexdiisa ka aloosan. Xildhibaanada la sheegay inay abaabulayaan mooshinka lagu ridayo gudoomiye Saleebaan ayaa la sheegay inay u ololaynayaan xubno cusub oo aan ka tirsanayn golaha in xildhibaano uga tanaasulaan kuraasidooda si markaasi ay ugu tartamaan kursiga ugu sareeya guurtida. Xildhibanaadan mooshinka wada ayaa la sheegay inay mooshinkooda u cuskanayaan xilgudasho la’aan ay sheegeen in gudoomiyuhu aanu xilkii loo doortay si waafiya u gudanin, isla markaana loo baahan yahay isbadal hogaanka Guurtida lagu sameeyo.

 

Hargeysa Online