Mareykanka waan kusoo dhoweyneynaa inuu Somalia kula dagaalamo Argagixisada.
Posted by xaaji on October 09 2013 09:36:48

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibada Somalia Marwo Fowsiyo Yusuf X. Aadan oo lagu wareystay TV-ga CNN ayaa waxay kaga warantay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday guri ku yaal magaalada Baraawe ee ay deganaayeen Madax ka tirsan Al-Shabaab.

Extended News

Waxay sheegtay Wasiiradda in Dowladda Mareykanka ay kusoo dhoweyneyso Dowladda Soomaaliya iney kula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

Wariyaha CNN Christiane Amanpour oo si toos ah u Wareysaneysay isniintii xalay ayaa waxay weydiisay in Weerarkaasi lagu wargeliyay Dowladda Soomaaliya, waxayna Wasiirad Fowsiyo ay tilmaamtay in Dowladda Mareykanka aysan u baahneyn iney kusoo wargeliso Dowladda Somalia howlgalada ay kula dagaalameyso Argagixisada, iyadoo intaa raacisay in Mareykanka uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

 Wasiiradda ayaa hadalkeeda intaa raacisay in Mareykanka ay kusoo dhoweynayaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-SHabaab, iyadoo tilmaamtay ineysan ugu baahneyn fasax sidii looga ciribtiri lahaa gudaha Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab iyo Al-qaacida ay dhan walba ugu adkaadeen, inta harsana ay ka ciribtiri doonaan guud ahaan Soomaaliya.

Hargeysa Online.