Booliiska Laascaanood oo dhaawacay gaadhsiiyay Xildhibaano Golaha Deegaanka.
Posted by abdi on October 09 2013 16:40:12

Lascanod(Hargeysa Online) Booliiska magaaladda Laascaanood ayaa saaka xarunta Golaha Deegaanka magaaladaasi ka dareeriyay Xildhibaano doonayay in ay Maamuus.


Extended News

Lascanod(Hargeysa Online) Booliiska magaaladda Laascaanood ayaa saaka xarunta Golaha Deegaanka magaaladaasi ka dareeriyay Xildhibaano doonayay in ay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Maayarka Laascaanood.

Booliiska ayaa goor dhawayd xoog ku galay Xarunta Dawladda Hoose waxaanay Tacshiirad ku fureen xildhibaanada oo fadhiya Hoolka isla markaana isku diyaarinaya in ay guda galaan fadhi ay saaka u balansanaayeen oo ay doonayeen in ay Codka kalsoonida ugu qaadaan maayarka oo ay in muddo ahba Eedo ujeedinayeen.

Mid ka mid ah Xildhibaanada madasha ku sugnaa ayaa Hargeysa Online u sheegay in Ciidan Booliis ahi ugu soo galeen Hoolkii tacshiiradna ku rideen, waxaanu xusay ilaa hada inta ay Ogyihiin in ay dhaawacyo soo gaadheen laba Xildhibaan kuwaas oo Booliisku u adeegsadeen Qoryaha dabadooda.

Xildhibaankaas oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in qorshuhu ahaa Codsi beryahanba ay ku dalbanayeen fadhi aan caadi ahayn oo ay doonayeen in ay xilka kaga qaadaan Maayarka, waxaanu xusay halkii ay ka filayeen in badhasaabku soo fadhiisto in ay Booliis la soo diray ugu soo galeen oo ay ka soo qufusheen Hoolkii.

Warar dheeraad ah illaa hada lagama hayo hawlgalkaasi halka uu ku danbeeyay balse waxa la filayaa sida ay xildhibaanada qaarkood noo sheegeen in ay goor dhaw hadli doonaan.

Hargeysa Online.