Kabtankii Doontii Masiibadu Ku Qabsatay Lampedusa Ee Ay Ku Dhinteen 250-ka Qofi Oo La Xidhay.
Posted by abdi on October 09 2013 16:58:06

Kabtankii doonta masiibadu ku habsatay ee siday Tahriibayaal Afrikan ah oo ku degtay xeebta Lampedusa Salaasadii todobaadkii hore ayaa xabsiga loo taxaabay.


Extended News

Kabtankii doonta masiibadu ku habsatay ee siday Tahriibayaal Afrikan ah oo ku degtay xeebta Lampedusa Salaasadii todobaadkii hore ayaa xabsiga loo taxaabay, kaas oo loo haysto laynta dadkaasi. Kabtan, Bensalem Khaled, oo da’diisu tahay 35-jir u dhashay dalka Tunisian ayaa loo gudbiyey bileyska dalka Talyaaniga markii laga soo kexeeyey xarunta dadka tahriibayaasha lagu hayo ee Lampedusa loona dhaadhiciyey xabsiga Agrigento oo ku yaala Sicily. Taliyaha Ilaalada Xeebta Filippo Marini ayaa sheegay inay soo heleen 18 mayd ah oo kale oo ku jiray god doonta dhexdeeda ah, halka mid kalena ay heshay diyaarad helicopter ah oo dul maraysay halkii doontu ku degtay taas oo dhimashada ka dhigaysa 250 qof. Marini ayaa sheegay in baadi goobku uu socon doono hadii ay cimiladu u ogolaato. Waxaana ka badbaaday 155 tahriibayaal ah oo badidoodu ka yimid Eritrea. Waxaanay dadka badbaaday sheegeen in tirada ay doonta ku saarnaayeen ay ahayd 500 qof, waxaana tirada dhimatay u badan Haween, inkasta oo ilaa iyo hada la helay Maydadka 75 Haween ah lix kaliyana ay ka mid yihiin tirada 150 ka badan ee badbaaday. Tirada caruurta dhimatay ayaa lagu sheegay iyagana Todobada.

Hargeysa Online.