Ra’iisul wasaaraha dalka Liibiya, Cali Zeydan oo dib xuriyadiisa u helay.
Posted by xaaji on October 10 2013 16:53:57

Ra’iisul wasaaraha dalka Liibiya, Cali Zeydan ayaa dib xuriyadiisa u helay kadib markii saacado ay heysteen kooxaha maleysiyaa oo ka xun adduubka Mareykanka u geestan Nin Marekykan.


Extended News

Ra’iisul wasaaraha dalka Liibiya, Cali Zeydan ayaa dib xuriyadiisa u helay kadib markii saacado ay heysteen kooxaha maleysiyaa oo ka xun adduubka Mareykanka u geestan Nin Marekykan ku tuhunsanyihiin in uu ka danbeeyo weerarkii lagu qaday saafarada Mareykanka ku lahaa dalka Kenya iyo Tansaaniya

Tvga qaranka Liibiya ayaa shaaciyey in la siid aayey Ra’iisul wasaaraha KMG dalka Liibiya, Cali Zeydan iyagoona sheegay in ay gacanta dowlada uu xiligaan ku jiro
Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya, Cali Zeydan ayaa saaka laga qafaashay hotel uu degenaa oo ku yaala magaalada Tripoli sida ay sheegayaan wararka magaaladaas naga soo gaaraya.

Ilaalada hotelka laga afduubtay raisul wasaaraha ee Corinthia Hotel ayaa sheegay in wax iska-horimaad ah uusan dhicin intii afduubka socday uuna ku dhacay qaab nabadeed, iyadoo Dableydan afduubka geystay lagu sheegay inay yihiin koox u dagaalamaysa kacaanka dalka Liibiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Liibiya ayaa lagu sheegay in raisul wasaarihii dalkaas hotel uu degenaa ay kala baxeen dabley hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin iyo cida ay ka amar qaataan.

Afduubkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo mas’uul xil sare haya loogu geysto Liibiya, tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Mucamar Al-Qadaafi ku dhowaad labo sano ka hor ka dib markii ay ku kaceen mucaarad hubeysan.


Hargeysa Online.