Wasaaradda Maaliyadda Oo Iska Difaacday Eedo Xisbiga Waddani U Soo Jeediyey.
Posted by abdi on October 13 2013 21:07:18

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Maliyada Cimaan Cabdilaahi Saxardiid (cadaani) eedo horleh u jeediyey Axsaabta Mucaaridka Somaliland, kuwaas oo uu ku naqdiyey dhaliilo ay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyeen maalintii doraad.


Extended News

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Maliyada Cimaan Cabdilaahi Saxardiid (cadaani) eedo horleh u jeediyey Axsaabta Mucaaridka Somaliland, kuwaas oo uu ku naqdiyey dhaliilo ay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyeen maalintii doraad. Wasiir Cadaani waxa uu eedahaa Mucaaridka kaga jawaabay Shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu si gaar ah u dhaliilay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani oo Wasaaradda Maaliyadda ku naqdiyey Miisaaniyadda Qaranka. Sidoo kale Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) waxa uu ka hadlay ujeedada socdaal ay shalay galabnimadii ugu baqooleen wafti uu ka mid yahay oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali xaaji Xasan, kuwaas oo u amba-baxay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag,  ayaa ugu horayn Wasir Cadaani oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Laba arrimood ayaan idiinku yeedhay saaka, labadaas arimoodna waxaa ay kala yahiin midi waxa weeyi safar aanu u baxayno gobalka s

Sanaag aniga iyo Wasiirka Madaxtooyadu , oo ah guddida Wadada Ceerigaabo, iyada oo aanu mari doono tuulo-tuulo ilaa magalooyinka gobalka Sanaag ilaa Ceerigaabo iyada oo uu qorshahayagu yahay in hadii uu ilaahay nafta inoo dayo, aanu laa Ciidno dad weynaha Magaaladda Ceerigaabo, iyada oo aanu u soo bandhigi doono,  qorshaha iyo baaqa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland kuna saleysan sidii loo dhisilaaa wadooyinka qaranka, gaar ahaan wadada ceerigaabo  ilss burco isku xidha”. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay Wasiirku jawaabta hadalo  ka soo yeedhy qaar ka mida xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ku waasi oo wasaarada maaliyada u soo jeediyay eedaymo hadaba wasiiru dawlaha o arimahaasi ka jawaabaya ayaa waxaa uu yidhi “Shalayto oo malin cibaado ahayd ayaa ay qabteen xibiga Waddani shir jara’iid, waxaan is lahaa maalmaha ciida ee la faraxsan yahay, waxay la qaataan xaasaskooda iyo qoysaskood, oo haba yaratee wax cay iyo aflagaado ah af kooda ka soo bixi mayso, Waxaa runtii cadaatay dad weynahuna ila arkeen in hadal aan sheegay oo ahaa xisbiyada mucaaradka ah waxaa ka soo hadhay uun inay ku seexdaan oo ay ku soo toosaan maxaad abuurtaan, oo aad Madaxweynaha iyo dawlada ku saydhaan, ayuunba ka so hadhay”. Wasiir Cadaani isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Shalay waxaa ay aad uga hadleen Miisaaniyada hortaala Baarlamaank, waxaana runti wax lala yaaba ah in wax aan jirin oo aan raad lahayn ay umada iyo bulshadaba ku marin habaabiyaan Iyada oo ay iska cadahay. waxaanu cadaynaynaa dad weynaha Jamhuuriyada Somaliland aan la wadaagaynaa in ragii xagay ka hadli lahaayeen, qodobo ay dawlada kaga  soo hor jeedan, ay ka hadlaan qodobo been abuura oo cad. Hadaan qodbada ay ka hadlaan mid idiinka sheego waxay ka hadleen hay’adda la yidhaahdo NDC  Oo loo yaqaano Hay’ada Abaabul Saarka Qaranka oo dad weynaha Somaliland ogyahay, ka saxaafad ahaana aad ogtahiin, waxa loo abuuray iyo waxa ay tahay. Wasaaradda Maaliyadu kharashka gala waxaa uu ka badan yahay Wasaarado badan in uu meeshaa galena muu ahayn, waxaa nasiib daro ah waxaa ay ka sheegayaan ama ay sheegayan hawlgabyadii ciidamada ee Jamhuuriyada Somaliland waa kuwa aynu nabadooda ku seexano kuna soo tosno, waana ragii naafada ahaa ee xornimadan maanta aynu ku naaloonayno suurto galiyay. ninka ka soo horjedaa waxa naafo galaya, nin dalkan u soo dagaalay oo curyaama oo aan gabigoodu ku wada jirin oo marba waxaa uu karankeenu karaayo ee ay inoo soo gudbiyaan. ninka dhaleecaynaya hawlgabka ciidamada qalabka sida ciidamada Booliska, Asluubta, Naafadii xornimada iyo dalkan noo keenay, waxan qabaa waa nin aduunyo kale ku nool waxaanan qabaa  in intayar ee rashin ama waxay helayaan aanay waxba ahayn xisbiga dhaleecaynayaa dee koow maaha ee waa wax ay mucaaradku caadeysteen. Ninka dhalecaynaya Wadada ay Qaranku sameyanyaan ee ka soo hor jeesanaya, ee malinta Foodkana, lahaa yaan la ansixin ama ha lagu mudaharaado, maantana waxay u soo jeesteen kuwii hawlgabka naftoodi iyo malkoodiba u soo huray dalkan aynu maanta ku naloonayno nabadiisa, waa wax laga xanuusado run ahaantii waana wax laga dhiidhiyo”. Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cadaani waxa uu intaasi raciyay “Waxa la yaab leh Wasirkii Wasaarada Maaliyadda shahaado sharaf ayaa Barlamaanka lagu siiyay, ta oo nalagu siiyay in wasaaradu intii aanu joognay sannad walba aanu gudbino xisaab xidhka iyo Miisaniyadaba aanu wakhtigeeda gudbino, Barlamaankuna sababtaas ay wasiirka shahaadada u siyeena waa taas, marka aan leeyahy xisbiyada mucaaradka ah way indho laayahiin oo waxba ma eegaan, waxaa ka mida waxay ilaabeen in barlamaanka horteeda iyada oo la wada arkayo shahaado sharaf na gudoonsiyay, taas ayaana cadaynayasa in ay iska soo kacaan oo aanay dalkaba ka war hayn ee ay dadka uun iska cayi yaqanan , wali may dhicin wasiir maliyadeed oo shahaado sharaf la gudoonsiyay barlamaanka horteeda wali kan hortii may dhicin, aniga iyo agaasimuhu waanu filaynaa oo Cabdicasiis waanu la wadaagnaa shahadadaas”. Sidoo kale isna Shirkaa-jaraa’id ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada waxaana uu hadalkiisa Ku bilaabay isaguna “Miisaniyada 2014 shacabka reer Somaliland markhati ayay ka yihiin in uu yahay bajad midho dhala oo, Qofka jamhuuriyada Somaliland u damqanayaa wuxuu amaani lahaa qofka miisaniyada ka soo qaaday , 47 milyan ka soo qaaday ee maantana marinaya 152 gaadhsiyay anaga oo aan cashuur kordhin ee dhinay waliba, waa dadaal badan oo ay sameysay Wasaaradu. waxay ahayd in ay Qiraan xisbiyada mucaaradka ahi, laakin anagu waxba  Waddani ugama jawaabayno waayo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaaba abaal marin nagu siiyay oo isagaaba ka markhaatiya iyada oo xildhibaanadiisi kale ee Waddani ka soo jeedayna , ay noogu mahad naqeen golaha dhexdiisa, kuwa Ansixinayaana waa kuwaas. Qasnadan waxay ku jiri jirtay gacanta Maaliyada markii hore, laakin Culyeys badan ayaa ku Saarnaa Wasaarada Maaliyada, laakin way ka madax banaantahay caalamka Wasaarada Maliyadda mashariicda horumarinta wadanka oo dhana way ku jiraan. Ha ahaato beero, Wadooyin Iyo xanaanda xoolahaba, hadaba waxaa sidaas loo sameeyay inaanay Wasaaradna Masharicdeeda u Qarsan ayaanu ku sameynaa Xisaab-xidh oo Xisaab-celin ayaanu la Sameynaa, Saddexdii bilood ee hore marka uu keeno xisaab celin ayaa hadana loo sii daayaa,Lacagta qasnadaas ku jirtana umalaha awood in 1millon ay ka bixiso Wasaaradda Maaliyadu waayo qof gaara ayaa maamula, waayo wasarad waliba markay mashruceeda u baahato wasiirkeeda ayaa ka masuula markaas wasaaradu awood uma laha inay iyadu bixiso, Qasnadaasi waa a qaranka , wasiirka maliyaduna saxeexeda ayaa uu leeyahay markuu u ogolado cidii soo dalbatay , wasaaradda maliyada inay lacag Ka Raacdo mooyaane lacagi ugama hadho, waxaan hubaa in Baarlamaanku ansixinayo misaniyadaas, Shahaado sharaftii nalagu gudoonsiyayna aanay cidi ka noqonayn, umalayn mayana shirki jara’iid ee uu xisbigaasi qabtay inuu wax ka dhimi doono ansixinta Misaniyada.

 

Hargeysa Online.