Dumarka Somalida ah ee ku nool magaalada qaahira ee dalka masar ayaa uurka lagaga soo ridaa 6 bilood markay yihiin.
Posted by xaaji on October 16 2013 07:41:03

Qaar ka mid ah waalidiinta ku nool Dalka masar caasimadiisa Qaahira ilmana looga soo dilay isbitaalka ay qaramada midabay qeybta qaxootiga ay bixisa dhaqalaha qaxootiga ku nool dalkaas.


Extended News

Qaar ka mid ah waalidiinta ku nool Dalka masar caasimadiisa Qaahira ilmana looga soo dilay isbitaalka ay qaramada midabay qeybta qaxootiga ay bixisa dhaqalaha qaxootiga ku nool dalkaas ayaa u warmay Hargeysa Online iyagoona u sheegay in Soomalida dumarkooda markay uurka yeeshaan lala sugin inta ay ka dhameysanayaan bilahooda.

Mid ka mid ah walidka ay ku dhacday arintaan ayaa ii sheegay in ay uu arkay Soomali badan oo haween ah markay Uurka yeeshan oo 6 bil garaan iyagoo lugahooda ku tagaan xarunta cafimaadka lagu amro in ay dhalaan iyagoon waqtigooda la gaarin iyadoona sida uu sheegay ay arintaan aheyn ku dhacdat qaar badana ,halka haween badan umul raacdeen kadib markii ay wayeen daryeel cafimaad oo dhab ah


Aniga xaaskeyga ayaa maalin maalin ka mid ah aaday xaruntaas cafimaad ee qaramada midobay bixisa dhaqalaha dadka qaxootiga markay tagtay 6 bil bay aheyd waxaana durba lagu war galiyey in mataano ay siday laga dhalin doono dhalano loogu ridaayo inta ka dhiman waqtiigasa sidaana gabartii lagu muday cirbad sidaana looga soo saaray mataanahii ay siday lana galiyey dhalo iyadoona xoogaa ka dib u yimadeen laba shaqaale oo ka tirsan Isbitaalka laguna war galiyey in labada mataanada ay gadato ayna joogaan shirakado gato ilamaha kuwaa oo ka sameeyo dhacaanka iyo lafaha ilmaha daawada Leysku cadeeyo


Gabrtii ayaa naxday oo tiri aniga ilamaheyga gadan maanyo daawana leysku cadeeyo laguma sameynaayee ee Ilamaheyga halay xanaaneeyo sidaana loogu riday dhalo iyadoona dhowr maalin kadib daryeel la aan ugu dhex dhinteen ilamhii yaraa dhaladii lagu xanaaneynaayey

Waalidkii ilamaha dhalay ayaa lagu war galiyey in ay dhinteen labadii mataana ahaa iyagoona loo sheegay in la duugaayo meel qaas la geeynayo sidaana walidkii oo careysay ku diideen sidaana ku dalbadeen in caruurtooda la siiyo si ay u duugtaan, waxaana la siiyey caruurtood oo dharka kaniisadaha loo galiyey sidaana ku soo qateen geeyeena majid Bilaal la yiyaardo oo ku yaalo madiint Nasar halkaana karfan cad ugu xireen labadii mataanada kuna duugeen walidkii dhalay caruurta qabuuro dadka islaamka lagu duugo oo ku yaalo 6 Lixda Ogtoobar

Hooyada dhashay ilamha mataanada ee dhintay ayaa dhamaan ka qarisay waxii dhex maray iyada iyo shaqaalahii isbitaalka ee ahaa in limaha laga gadaayo lagana sameynaayo daawada Leysku cadeeyo waxeyna u sheegtay mar dhow Aabaha caruurta mataanaha dhintay dhalay

haweenka Soomalida ee ku dhalo isbitaalkaasi ayaa loo aqriyaa oroteeshan ah in ay dhalmada badan iska yareeyaan iyagoo la siiyo markay isbitaalka ka soo baxayaan dhowr kondum oo kaga hor tagaan dhalmada

Si kastaba ha ahatee Soomalaida ku nool dalka Masar ayaa dhib xoogan ku qabto dhanka cafimaadka iyagoon heysan dar yeel cafimaad oo kaabi karo noloshooda iyadoona jirin heyad qaxooto ama safaarad Soomaliyeed oo xaaladooda jahwareerka ah wax ka qabato

 

Hargeysa Online Cairo Egypt