Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo U Diray Dhamaan Mujaahidiintii SNM, Xuska 17-ka October Oo Loo Asteeyey Maalinta Shuhadada SNM.
Posted by abdi on October 17 2013 17:51:38

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan Mujaahidiintii ururkii xaq u dirirka SNM munaasibada 17-ka October .


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan Mujaahidiintii ururkii xaq u dirirka SNM munaasibada 17-ka October oo loo asteeyey maalinta mujaahidka SNM awgeed. Waxa sidaasi lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu, kaas oo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-Octoer 2013 awgeed oo ah maalinta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM  oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo mara,  maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena. Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro. Xukuumada Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.

Hargeysa Online