Wiil Oo Soomaali Ah Oo Dalka Sweden lagu Dilay Hilibkoodana La Jar Jaray.
Posted by abdi on October 22 2013 10:51:43

Dalka Sweden ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday arin murugo iyo tiiraanyo leh, kadib markii laba wiil oo Soomaali ah qudha looga jaray hilibkoodana la jar jaray.


Extended News

Dalka Sweden ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday arin murugo iyo tiiraanyo leh, kadib markii laba wiil oo Soomaali ah qudha looga jaray hilibkoodana la jar jaray, ayadoo meydkooda goor danbe la helay.

Wiilashan labada ah oo la la,aa in muddo ah ayaa la helay meydadkooda iyagoo jar jaran oo walina gacamaha laga xidhxidhay taa oo wal wal xoogan ku abuurtay Qaxootiga Soomalid ah ee ku nool dalka Sweden.

Mudooyinkaan waxaa soo badanaayey dilka lagu hayo Soomalida ku nool aduunka daafahiisa iyadoona dalka Sweden oo ahaa wadamada ugu amanaka fiican uu xiligan isku badalay meelo leysku toogto iyadoona soo baxeen kooxo kooxa iyagoo hub wata iska soo horjeedo kuwaa oo isku ugaadh sado xafadaha qaxootiga ku badan yihiin.

Dhanka kale Soomaali badan oo qaxooti ah ayaa dhawan la xukumay kuwaa oo lagu xukumay xabsiyo kala gadisa oo garaayo dhowr sano.

Xaaladaha qaxootiga Soomalida ee ku nool dalka Sweden ayaa xiligaan mid cabsi badan soo wajahday iyadoona dhalinayarda Soomalida intabadan ay heysato shaqao la aan baxad leh oo keentay in ay noqdaan kooxa kala gadisan oo gaan ah.

Hargeysa Online