Ardayda somalida ee wax ka barata India oo eedeyn kulul u jeediyay Safiiradda Ebyan Maxamed Salah.
Posted by abdi on October 22 2013 11:04:58

Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka India ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Safiiradda dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah dalka India Ebyan Maxamed Salah.


Extended News

Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka India ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Safiiradda dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah dalka India Ebyan Maxamed Salah , oo ay ku tilmaameen in Safaaradu u badashay guri qabiil oo jiif u ah qaar ka mid ah qoyskeeda , halka warbixinada , deeqaha waxbarashada ,tababarada , cazuumaadaha iyo wax waliba oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed loogu tala galay ay u dirto Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe . Maxamed Nuur , oo ka mid ah ardayda Magaalada New Delhi ayaa noogu xog waramay in 98% ardayda Soomaaliyeed ee sida lacag la’aanta ah wax uga barta dalka India ay yihiin kuwa ku heyb qabiil ah Ebyan Salah , ayna bahdil iyo sumcad liidata ay u horseeday Soomaalida ku nool dalkaasi . Ebyan Salah oo Madaxweynihii hore ee KMG Cabdullaahi Yuusuf u magacaabay danjiranimada dalka India sanadkii 2008-dii , ayaa lagu sheegaa inay tahay haweeney aan damqasho Soomaalinimo ku jirin , waxa ayna si cad ugu dhaqantaa qabyaalada iyo faquuqa Soomaalida aan ku qabiilka aheyn ee ka soo jeeda gobolada waqooyi galbeed iyo kuwa koonfureed , iyadoo had iyo jeer u janjeerta u adeegidda danaha maamul goboleedka Puntland , halkii ay ka fulin laheyd siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya . Warar xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Ebyan Salah , gabar la dhalatay iyo ganacsato India ah ay ku howlan yihiin howlgelinta mashruuc warshad shamiindo loogu sameynayo Magaalada Boosaaso , taasoo ku baxeyso adduun lacageed oo xaddigiisu badan yahay . Suleekha Yuusuf Cumar oo ka mid ah ardayda wax ku barata India ayaa sheegtay inay qarashka waxbarasho waalidiinteeda ay ka bixiyaan , halka fursadaha Safaaradda Soomaaliya ay hesho loo weeciyo dhinacyo kale oo dowladda Soomaaliya ka baxsan , lana musuq-maasuqo , waxa ayna ka codsatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Xafiisyada Madaxweynaha , gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha inay fara-gelin toos ah ku sameeyaan Safaaradda , si ay u noqoto safaarad Soomaaliyeed oo loogu adeego Soomaalida oo dhan . W/qoray : Abdirashid Abdirahman Ciise New Delhi – India