Weftigii Wasiirrada Ahaa Ee Ku Sugnaa Dalka Masar Oo Kulan La Yeeshay Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Dalka Masar.
Posted by abdi on October 29 2013 14:17:21

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Sam-sam Cabdi Aadan oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar.


Extended News

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Sam-sam Cabdi Aadan oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa kulan la yeeshay ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa ardayda uga xog waramay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dalka Soomaaliya cagta jiidayo, isagoo intaas ku daray inay si cad ugu sheegayaan Soomaaliya in aanu gooni isku taaga.

Cabdinasir ceynba ceyn Hargeysa Online , Cairo Egypt