Golaha Guurtida Oo Xukuumada Ku Amray Inay Midayso Manhajyada Dugsiyada Dawlada Iyo Kuwa Gaarka Loo Leeyahay.
Posted by abdi on October 29 2013 20:49:06

guurtida-300x225.jpgHargeysa(Hargeysa Online)Golaha Guurtida Somaliland ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo faray inay midayso Manhajyada waxbarashada dugsiyada dawlada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, uguna baaqay inay kaantaroosho Manhajyada waxbarashada ee dalka


Extended News

guurtida-300x225.jpgHargeysa(Hargeysa Online)Golaha Guurtida Somaliland ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo faray inay midayso Manhajyada waxbarashada dugsiyada dawlada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, uguna baaqay inay kaantaroosho Manhajyada waxbarashada ee dalka. Waxa kale oo golaha Guurtidu soo jeediyay in la sameeyo xeerkii dhaqanka iyo Diinta, iyagoo wasaarada arrimaha gudahana ugu baaqay inay si dhakhso ah wax uga qabato dadka ajaanibka ah ee dalka ku soo jabay ee qaba cudurrada faafa. Waxaana sidaasi lagu sheegay warbixin ay guddiga arrimaha bulshadu fadhigii shalay ee golahaasi oo uu gudoominayay gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ay horkeeneen, kaas oo uu golaha ka hor akhriyay xoghayaha guddigaasi arrimaha bulshada xildhibaan Siciid Maxmaed Libaaxo. Warbixintaasi ayaa nuxur ahaan nuxurkeedu daarnaa dhinaca Manhajka waxbarashada ee ku wajahan dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay xukuumadu midayso iyo baaqa wasaarada arrimaha gudaha ay usoo jeediyeen in si dhakhso ah wax looga qabto dadka ajaanibka ah ee dalka ku soo qulqulay, isla markaana cudurada faafa xambaarsan.

Hargeysa Online