Madaxwayne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Wasaaradda Duulista Hawadda.
Posted by abdi on November 01 2013 22:33:40

Hargeysa (Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Axmed Dalal Faarax.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Axmed Dalal Faarax, isla markaana waxa uu xilkaasi u magacaabay Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle (Cumar Seyid) oo ahaa Maamulihii madaarka magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2129/102013 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, Mudane, Axmed Dalal Faarax isaga oo madaxweynuhu xilkaasina u magacaabay Agaasime cusub.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ah ee JSL;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Mudane Axmed Dalal Faarax ee uu Digreetada xilka ka qaaday ku yidhi Mudane, Waxa aan kugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL.Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cumar Cabdilaahi Aadan Qalinle, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada ee JSL. ALLAA MAHAD LEH.”

 

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.