Wasiirada gaashaan-dhiga iyo Qorshaynta oo u baxay safar aan la shaacin ujeedadiisa.
Posted by abdi on November 01 2013 22:47:18

Hargeysa(Hargeysa Online) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhiga Somalland Axmed X Cali Cadami ayaa u baxay safar aan la shaacin ujeedadiisa.

Extended News

Labada Wasiir ayaa shalay ka dhoofay madaarka Caasimadda Hargeysa iyagoo ka raacay duulimaadkii diyaaradda Itoobiya Airline oo ka mid ahayd Duulimaadyadii shalay ka haaday madaarka Hargeysa.

Lama oga in safarka labada wasiir ku eekaan doono Dalka Itoobiya iyo in ay u sii dhaafi doonaan meelo kale, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola wasaaradda Qorshaynta ayaa Hargeysa Online u seegay safarka wasiirka qorshayntu inuu u muuqdo mid kooban oo Dalka Itoobiya ku eeg.

Hase yeeshee Wasiir Cadami ayaa la filayaa in uu socdaalkiisu ahaa Dalka Ingiriiska halkaas oo ay carruurtiisu degan tahay.

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland