Ciidan Booliis ah oo kala diray dad xarunta Kulmiye ku xoonsanaa iyo gacan ka hadal ka dhex dhacay Xarunta.
Posted by abdi on November 02 2013 23:33:21

Hargeysa(Hargeysa Online) Ciidan Booliis ah ayaa saaka Xarunta Xisbiga Kulmiye gaadhay si ay u kala dareeriyaan dadweyne Muuse Biixi taageersanaa oo ku xoonsanaa Xarunta.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Ciidan Booliis ah ayaa saaka Xarunta Xisbiga Kulmiye gaadhay si ay u kala dareeriyaan dadweyne Muuse Biixi taageersanaa oo ku xoonsanaa Xarunta, mar ay boolishogaanka Xisbiga Kulmiye u ambabaxeen dhinaca Madaxtooyadda oo ay Madaxweyne Siilaanyo kulan kula lahaayeen.

Sida qof goob jooge ahaa oo ku sugnaa Xarunta Xisbiga Kulmiye Hargeysa Online u sheegay waxa ay Ciidanka Booliisku soo gaadheen xarunta mar ay ka maqnaayeen hogaanku waxaanay kala direen kooxo u muuqday in loo soo abaabulay in ay taageero u muujiyaan go’aanka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku diidan yahay Guddidii qaban qaabada ee is dooratay.

Lama oga cida bixisay Amarka Booliisku ku tageen xarunta Kulmiye, hase yeeshee Xukuumaddu hore waxa ay uga war wareegtay in ay Ciidan geyso si amaanka loo sugo wallow hore ay u bixisay Amar guud oo ay ku adkaynayso Amaanka Xarumaha Xisbiyada isla markaana ay u kordhisay dhaqaalaha lagu maareeyo hawl maalmeedka Xarumahaasi.

Ilo wareed u dhuun daloolay dhaqdhaqaaqa Booliiska ayaa Hargeysa Online u xaqiijiyey in uu dalbaday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka hor intii aanu u ambabixin dhinaca Madaxtooyadda, iyadoo sababta ku kaliftay lagu tilmaamay in aanay dabadii wax dhibaato ahi ka dhicin.

Sidoo kale, waxa uu goob joogahaasi Hargeysa Online u sheegay intaanay Booliisku goobta soo gaadhin in ay isku fara saareen Xarunta Dhexdeeda Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka hargeysa oo taageersan Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo qof kale oo ka soo horjeeda oo taageersan Garabka Samaale.

Wax khasaare ah oo soo kala gaadhay labada Nin ee dagaalamay warku muu sheegin hase yeeshee waxa uu intaa ku daray xaaladda Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye in ay is dhexyaac ahayd isla markaana laga dareemayey dhaqdhaqaaq dhiilo xambaarsanaa oo ka dhashay go’aankii ay Guddida Qaban qaabadu isku dooratay.

Dooda ka dhalatay doorashadii guddida qaban qaabada ayaan illaa hada wax xal ah laga gaadhin, waxaanay u muuqataa in is-maandhaafka ka dhashay cirka isku sii shareeri doono saacadaha soo socda maadaama aanay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka soo saarin go’aan midaysan oo xaaladda dejiya.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.