Madaxweyne Siilaanyo oo hogaanka Kulmiye ku qanciyey in aan laga noqonayn Doorashadii Guddida qaban qaabada.
Posted by abdi on November 03 2013 00:10:47

Hargeysa(Hargeysa Online) Kulan saaka ka dhacay Qasriga madaxtooyadda Somaliland oo ay muuseyeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Kulan saaka ka dhacay Qasriga madaxtooyadda Somaliland oo ay muuseyeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan kadib markii la diiday cabasho uu Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi u bandhigay Madaxweynaha.

Ilo wareedyo u dhuun daloola kulanka saaka ayaa sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye in uu Madaxweynaha u gudbiyey ashkato ah in xubno Golihiisa Wasiiradda ahi dhibaato joogta ah ku hayaan isla markaana faragelin joogto ah ku wadaan isagoo farta ku fiiqay go’aankii guddida qaban qaabadu isku dooratay in ay iyagu sabab u ahaayeen.

Eedaynta Muuse Biixi ayaa la sheegay mid ka duwan in ay madasha ka jeediyeen xubnihii wehelinayey ee kula jiray Hogaanka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Talyanle waxaanay sheegeen in aanay jirin dhibaato Xukuumaddu ka geysatay arrinta guddida.

Wasiir Maxamed Muuse Abees oo ah Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda isla markaana ah ku-simaha Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland ayaa la sheegay in uu madashaas ka difaacay xubnaha Golaha Wasiiradda ee Muuse Biixi Eedeeyey, waxaana la sheegay in uu ku dooday in uu isagu ka mid yahay Guddida Fulinta Xisbiga isla markaana qaranka u hayo Xilka Wasiir-nimo kaasoo mar kale u saamaxay in uu Golaha Dhexe ee Xisbigana ku jiro, waxaanu ku dooday in aanay meel-na kaga maqnaan Karin talada Xisbiga Muuse Biixi iyo hogaankuna aanay kalidood lahayn go’aan qaadashadiisa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay dhiniciisa in uu daadifeeyey Eedaha Muuse Biixi u jeediyey Xubnaha Golihiisa wasiiradda, waxaana la sheegay in uu Amar ku bixiyey talaada Xisbiga in ay wada leeyihiin Xukuumadda iyo Xisbiguba isla markaana wixii khilaaf ah ay xaliyaan Hogaanka Xisbigu, iyadoo la filayo xarunta Xisbiga Kulmiye in isla berri uu ka dhici doono shir uu Madaxweyne ku-xigeenku ka qayb geli doono.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu meesha ka saaray in uu wax faragelin ah ku sameeyo doorashadii Guddida qaban qaabada, taasoo muujinaysa in uu diiday daadifeyntii Garabka Muuse Biixi ay ku gacansaydheen Doorashadii Guddida qaban qaabadu dooratay hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha sadexaad ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu kulanka labada dhinac yeesheen meesha ka saaray warar la isla dhex marayey oo sheegayey in dib loogu noqonayo doorashadii ama loo ogolaan doono Muuse Biixi in xubno loogu daro.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnihii ku wehelinayey kulanka oo ay ka mid ahaayeen Wasiir maxamed Muuse Abees iyo xubnaha Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi ka soo horjeeda ayaa Muuse Biixi ku Eedeeyey in uu isagu masuul ka ahaa wixii ka dhacay Xisbiga Isla markaana waxa ay ku qanciyeen in Ninkii uu marka horeba ugu balanqaaday Guddoomiyanimadu doorashadii mar kale ku soo baxay sabab uu u diido doorashadaasina aanay jirin.

Wasiir Samaale ayaan isugu kulankan goob joog ka ahayn isla markaana aan wax saamayn ah ku lahayn maadaama Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo madaxweynuhu kulmayeen, hase yeeshee ka maqnaanshihiisa iyo go’aanka Madaxweynuhu ku diiday dalabka Muuse Biixi waxay muujinayaan in uu Madaxweynuhu ku taageersan yahay qorshaha iyo fikirka uu ka qabo Doorashadii Guddida qaban qaabada taasoo ay guushu u dhacday dhiniciisa.

Guul-darada Muuse iyo kooxdiisa kala kulantay kulanka ka dhacay qasriga Madaxtooyadda ayaa la sheegay in ay ku abuurtay cadho kale oo ka sii xoog badan intii hore waxaanay u dhawdahay in go’aan adag ka qaato hawlaha xisbiga.


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland