Wasiirka Daakhiliga Oo Axsaabta Mucaaridka Uga Digay Inay Qabtaan Shirwaynaha Qaran Ee Ay Hore Ugu Dhawaaqeen.
Posted by abdi on November 06 2013 17:57:28

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxmaed Warancade ayaa labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani uga digay shirwaynaha qaran ee ay qabashadiisa ku dhawaaqeen.


Extended News

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxmaed Warancade ayaa labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani uga digay shirwaynaha qaran ee ay qabashadiisa ku dhawaaqeen, isla markaana ay qaban-qaabadiisa iyo qabashadiisaba kala wareegeen madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo iyagu axsaabta ka hor iclaamiyey shirkaas. Wasiirka Daakhiliga Warancade waxa uu sheegay inaanay xukuumad ahaan marnaba aqbali doonin shirkaas xisbiyada mucaaridku ku dhawaaqeen qabashadiisa, kaas oo baaq u diray axsaabta oo uu ugu baaqay inay ka waantoobaan arintaas, waxaanu xusay in shirwaynaha ay ku dhawaaqeen inaanay xaq u lahayn oo uu shirwaynaha qaran ee loo baahdo uu xaq distuuri ah u leeyahay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Wasiir Cali Warancade waxa uu sidaas ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay galinkii danbe xafiiskiisa ku qabtay, kaas oo kaga hadlayey dareenka xukuumadu ka qabto shirwaynaha qaran ee ay xisbiyadda UCID iyo Waddani ku dhawaaqeen, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan runtii jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo hadalo malmahanba soconayay oo xisbiyadu wadeen oo ahaa in loo bahanyahay in la qabto shir qaran, runtii xisbiyadu waxa ay naga mudan yahiin qadarin, waxaase meesha yaala sharci ay umadani dhigatay oo lagaga hortagayo in anaanay iman wax is qabqabsiya ama muran ah, taaso ay tahay inay cid waliba ay ixtiraamto, haya’daha qarankuna waxaa ay kala leeyahiin awoodo iyo shaqooyin u kala qeexan oo distuuri ah, haddii la yidhado shir Qaran ayaa la qabanayaa cidda kali ah ee umadani doortay ee awooda u leh waa madaxweynaha Dalka, oo waliba ah marka ay yimaadan dhibaatoyin u baahan in laga wadatashado dhammaan Qaranka Somaliland yar iyo weynba, taasina alxamduliilaahi dalkeenu waxaa uu ku sugan yahay nabad, waxa dhibaata ah oo jiraana ma jiraan maanta madama oo aan ahay wasiirkii Arimaha gudaha , dhamaan dadku waxaa uu ku soo toosay 99% nabad iyo daganaansho, anuu ma qabo hadayna balaayo kale jirin wax dhibaato ah oo aynu qabnaa oo uu madaxweynahu iskugu yeedho shir qaran, cidkale oo awood u lahin habayaraatee ma jirto axsaabtu haaddii ay wax tabanayaan ama ay warar hayaa, waxba kama qabno inaan u yeedho oo anu ka wada hadalno,waxii dareen ah ee Jira”.Wasiirka Arrimaha Guduhu Cali Maxamed Warancade isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaase reeban in aanay cidina ku xad gudbin sharciga dalka u yaala, taasina kama filaayo axsaabta maanta joogtaa , qaar waxgarada weeyi ,oo kumana fikiri karaan wax aan ahayn sharciga dalka u yaala ,waxii kale ee loo baahan yahay anagu hadaanu nahay dawlada axsaabta qaranka waanu wada hadalnaa,wixii ray’i ahana way noo soo Gudbiyaan shirarbaanuna qaadanaa ,waxa ay xaq u leeyahina waa in xisbi kastaaba uu shir qabsan karo, oo uu danihiisa iyo mustaqbalkiisa kaga hadli karo kaas oo ay xaq u leeyahiin, dawlada iyo madaxweynaha qarankuna isaga ayaa xaq u leh inuu u yeedho shir-weyne qaran hadii loo baahdana uu qaban karo, sidaas awgeed waxaan jeclahay inaan axsaabtana u yeedho ,oo aan kala hadlo hawlahaas ay ka hadleen.


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland