Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shalay U Kicitimay Dalka Turkiga Oo Uu Kaga Qayb Galayo Shir Lagu Qabanayo.
Posted by abdi on November 06 2013 18:07:23

Hargeysa(Hargeysa Online)Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelaka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay u kicitimay Dalka Turkiga oo uu kaga qeyb gali doon shir caalami ah oo lagu marti qaaday.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelaka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay u kicitimay Dalka Turkiga oo uu kaga qeyb gali doon shir caalami ah oo lagu marti qaaday. Shirkaas ayaa Socon Doona Mudo 2 Cisho Ah isla markaana lagaga hadli doonaa waxyaabo badan Sida Nabadagalyadda, Dhaqaalaha, Horumarka, shaqo la’aanta iyo Horumarainta Dimuqraadiyadda. Sida uu sheegay xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo shalay u warramayey Warbaahinta. “Guddoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelaka UCID Mudan Faysal Cali Waraabe, waxa uu maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Turkiga, waxa uu sii marayaa  dalka dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku hakan doono muddo afar maalmood ah. Halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga xog warami doono xaalada guud ee dalku haatan marayo sida nabadgelyada, siyaasada dhaqaalaha iyo armaha bulshada. Waxaanu Guddoomiyuhu  Saakaba ka ambabaxay magaalada Hargeysa isaga oo ku sii jeeda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo uu ku hakan doono muddo Afar maalmood ah. Waxaanu Guddmiyuhu halkaasi uga sii gudbi doona dalka Turkiga  oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo ay soo qaban qaabanqaabiyeen Xisbiyada Hanti wadaaga ee caalamka   Socialist International ” Sidaa ayuu yidhi xoghayaha Saxaafad ee Xisbiga UCID. Waxaanu xoghayaha Saxaafad ee Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Shirkan waxa ka soo qeybgalaya  dhamaan Xisbiyada Socialka ee wadammadda caalamka. Waana shir sanadle ah oo lagaga hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta xisbiyada Socialka caalamka,Horumarka bulshooyinka caalamka iyo Dimuraadiyadda.” Yusuf kayse waxa uu sheegay in inta uu Guddoomiyuhu ku suganyahay dalka Turkiga uu la kulmi doono Hogaami Diimeedyadda Dalka Turkiga, Xisbiyadda Dalka Turkiga, Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Turkiga.

 

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.