Waxaanu Ka Wada Hadalnay Xubnaha Baarlamaanka Britain Inaanu U Sharaxno Gooni Isku Taaga Somaliland.
Posted by abdi on November 07 2013 17:51:48

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka arrimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay dalka dib ugu soo guryo-noqday ayaa ka waramay max-suulka socdaalo uu iskaga kala gud-bay dalalka Ingiriiska.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka arrimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay dalka dib ugu soo guryo-noqday ayaa ka waramay max-suulka socdaalo uu iskaga kala gud-bay dalalka Ingiriiska, Masar iyo Djibouti.

Wasiir Biixi oo isagu warbaahinta kula hadlay Madaarka ayaa waxa uu sheegay safaradiisaas ku sifeeyey kuwo muhiimad wayn u leh Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland, kaas oo sheeegay inuu madaxdii dalalka uu tagay ee uu la kulmay dhamaantood ay isku afgarteen xidhiidh is-kaashi. Ugu horayna Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis isaga oo ujeedada socdaalkiisa ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Safarkayga aan ku soo maray dalalka Ingiriiska, Masar iyo Djibouti waxa uu ahaa mid aad u fiican oo qiimo badan,waxaananu ugu horayn soo marnay wadanka Masar oo aanu kala hadalnay arimo la xidhiidha dhinaca waxbarashada, waxaanan uga gudubnay wadanka Ingiriiska oo arinta ugu muhiimsanay ay ahayd inaan la kulmo wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan wadanka Ingiriiska oo aanu khaasatan kala hadlaynay sidii xidhiidhka Somaliland iyo wadanka Ingiriisku loo sii xoojin lahaa,waxa kale oo aanu ka wada hadalno in arimaha la xidhiidha dhinaca safarka ee sheegaya inaan la tagi karin Somaliland oo aanu ka wada hadalno sidii arintaasi loo xalin lahaa,waxaanu ka wada hadalnay mucaawinooyinka ay dawlada Ingiirisku na siiso oo aanu aad uga mahad naqnay, waxaanu u sheegnay inaanu waxyaalo badan uga baahan nahay haddii ay tahay gooni isku taaga Somaliland, waxa ay umada Somaliland goosatay ee ah inay xornimadeeda dib ula soo noqoto”. Sidoo kale Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay inay kulamo la qaateen xubno ka tirsan baarlamaanka wadanka Ingiriiska, isaga oo arimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu la kulanay xubno ka tirsan baarlamaanka wadanka Ingiriiska masuuliyiin kale ajandaha ugu weyn ee aanu ka wada hadlaynayna waxa uu ahaa inaanu dawlada Ingiriiska iyo dadkeeda u sharaxno inaan gooni isku taaga Somaliland uu yahay mid ay umadu goosatay oo u baahan in si dhakhso ah loo tix geliyo”. Dhinaca kale Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu ka war bixiyey socdaalkiisa dalka Djibouti iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta ugu saraysa Wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo kulamadaasi ku tilmaamay kuwo kuwo lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha danaha labada wadan gaar ahaana sidii layskaga kaashan lahaa arimaha la dagaalanka argagixisada iyo qodob kale.

 

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.