Mooshin Ka Dhan ah C/raxmaan Cirro oo Laga Wado Golaha Wakiilada.
Posted by abdi on November 07 2013 18:03:28

Hargeysa (Hargeysa Online) Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa la sheegaya in ay soo wajahaday Xaalad adag oo kaga timid Xukumada.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online) Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa la sheegaya in ay soo wajahaday Xaalad adag oo kaga timid Xukumada talada haysa iyo Xisbigiisa kuwaasi oo la damacsan Mooshino ka dhan ah Xilalka uu ka hayo Golaha Wakiilada iyo Xisbigiisa. Warar isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Dufaan Siyaasadeed ay kaga kacday Golaha Wakiilada kuwaasi oo qaar
a mid ahi ay wadaan mooshin ka dhan ah oo ay doonayaan in ay xilka kaga qaadan, kadib markii ay ku eedeeyen in uu u ban baxay shir ka dhan ah Jiritaanka qaranimada Somaliland, shirkaasi oo ay sheegen in uu yahay mid dalka dib loogu celinayo Shirbeleedyo. Dhaqdhaqaaqa Xildhibanada Mooshinka wada ayaa la dareemaya in ay u Xadhko xidheen siddii ay uga faa’iideysan lahayeen fursadaha ku waajahan Guddomiyahood ee ah in uu ku baaqay shir uu ku sheegay Tallo qaran oo ay si wada jir ah u qabanaayaan Xisbigiisa iyo Xisbiga kale ee Mucaaridka ah, taasi oo ay xukumaduna Ganafka ku dhufatay shirkaasi kuna tilmaantay mid mijo xaabinaya Qaranimada Somaliland, waloow Xildhibaanda Golaha Wakiiladu ay ku jiraan Fasax.
Dhinaca kale Warar Hoose oonu ka helanay Ilo ku dhaw dhaw Xisbiga wadani ayaa waxay sheegayaan in maalmihii ugu danbaysa uu ka dhex socdo Guux iyo Dareen Shaki leh oo lagu diidanyahay Hogaaminta Gudoomiye ciro oo ay saluugsan yihiin Xubno badan oo ka mid ah Xisbigiisa iyagoo ku eedaynay in aanu lahayn Hogaamin lagu wada qanci karo oon la garanayn Siyaasadiisu dhinaca ay u jeedo iyo ciday la jirto.
Ku dhawaaqida Gudoomiyaha Golaha wakiiladu uu ku taageeray shirka qaran ee ay ku baaqeen labada xisbi Mucaarid ayaa dhanka kale waxa qaadacay shirkaasi Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland saleebaan maxamuud aadan oo sheegay in shir qaran uu qaban karo oo kali ah madaxweynuhu, hadaba hadalada kala duwan ee labada Golle ka soo baxay ayaa jidka u xaadhaya khilaaf hor leh oo ka dhex dilaaca labada gole ee guurtida iyo wakiilada.
Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo hore loogu xaman jiray inuu xidhiidh hoose la leeyahay xukuumada ayaa maalmihii ugu danbeyay la soo baxay siyaasad ka duwan tiisii hore isaga oo dhaliilo hor leh u jeediyay xukuumada gaar ahaan wasarada warfaafinta oo uu soo bandhigay lacag badan oo miisaniyad ahaan ay u qadato balse wakhtiyadii hore uu indhaha ka qarsan jiray arrimahan uu imika soo bandhigay dhaliilahan uu xukuumada u jeedinayo iyo Shirarkan aan sharcinimadooda laysku khilaafsan yahay ka qayb galkood ayaa waxay muujinaysaa in dhaliilo badan oo xisbigiisa kaga imanayay oo ahaa inuu mucaaridnimada muujiyo uu haatan aqabalay taasoo uu filayo inuu kaga badbaado guuxa badan ee xisbigiisa ka jira ee aan ahayn mid isaga si gaar ah uga timid.


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.