Al-shabaab oo sheegay Ma'suuliyadda weerarradii xalay ka dhacay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.
Posted by xaaji on November 09 2013 22:14:19

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro qaraxyo ah xalay lagu qaaday hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Extended News

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro qaraxyo ah xalay lagu qaaday hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah kooxihii weerarradaas ka dambeeyay, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib u soo celinta amniga guud ee caasimadda Soomaaliya.

“Innaga ayaa ka dambeynay labadii qarax ee ka dhacay hoteel Maka Al-Mukarama,” sidaa waxaa yiri afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab. Isagoo intaa raaciyay: “Waxaan bartilmaameed noo ahaa saraakiil ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ciidammo, 15 ka mid ah ayaanan goobtaas ku dilnay.”

Sarkaal u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ku dhinteen lix ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidammo booliis ah, kuwaa oo ku dhintay qarax weyn oo ka dhcay dibadda hoteelka.

Dhimashada ayaa laga yaabaa inay intaas ka kororto maadaam ay jiraan dad ay gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana weerarkan si adag u cambaareeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaarihiisa.

Xarakada Al-shabaab oo Muqdisho laga saaray sannadkii 2011-dii kaddib dagaallo adag oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada AMISOM oo ay kaabayaan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana tan iyo xilligaas ay geysanayeen qarxyo ay u badan yihiin ismiidaamin.

Bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii Al-shabaab ay 15-qof ku dileen 23-kalena ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen hoteel ku yaalla meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.