Wariye Somali ah oo soo bandhigay Barnaamij Cajiib ah, Oday u geeriyooday naxdin darteed.
Posted by xaaji on November 09 2013 22:28:09

Barnaamij Cajiib ah oo si weyn loo qorsheeyey isla markaana ay ka qeyb qaateen quburo saxaafadeed ayaa laga soo turjumay mid ka mid ah luquadaha sida weyn aduunka ugu baahaya.


Extended News

Barnaamij Cajiib ah oo si weyn loo qorsheeyey isla markaana ay ka qeyb qaateen quburo saxaafadeed ayaa laga soo turjumay mid ka mid ah luquadaha sida weyn aduunka ugu baahaya, taasi oo laga diyaariyey barnaamij ka hadlaya dhibaatada ay Soomaalida ku heyso Aduunka iyo sida ay ugu qeylisiisay.
Wariyahani oo lagu magacaabo Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa soo bandhigaya sheekooyin cajiib ah oo uu ka mid yahay oday Waayeel ah oo u geeriyooday naxdin darteeda ka dib markii uu maqlay in wiilkiisa lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya isagoo u shaqeynaya mid ka mid ah maraakiibta aduunka u kala goosha.
Si kastaba oo ay tahay qof kasta oo naga mid ah oo daawada barnaamijkani loogu hadlaya dhibaatada Burcad badeeda Sooomaaliya ay ku heyso aduunka intiisa kale kuwaasi oo qaarkood ka soomay in ay maraan biyaha Soomaaliya iyo meelo u dhaw dhaw taasi oo caqabad ku noqonaysa wadan kasta oo aduunka ka mid ah haba ugu horeeya dalka Soomaliya.