Wefti Ka Socda Kooxda Xidhiidhka Caalamka Ee Ka Hortaga Budhcad Baddeeda Somalia Oo Somaliland Socdaal Ku Yimid.
Posted by abdi on November 11 2013 00:19:30

Hargeysa(Hargeysa Online)Wefti balaadhan oo ka socda wadamada ka hawlgala la-dagaalanka budhcad baddeeda Somalia ayaa socdaal ku yimid shalay magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay Somaliland iska kaashadaan.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wefti balaadhan oo ka socda wadamada ka hawlgala la-dagaalanka budhcad baddeeda Somalia ayaa socdaal ku yimid shalay magaalada Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay Somaliland iska kaashadaan la dagaalanka budhcad baddeeda Somalia. Kooxdan oo ay hogaaminaysay Donna Leigh Hopkins, oo ah xidhiidhiyaha Kooxda Xidhiidhka Caalamka Ee Ka Hortaga Budhcad Baddeeda Somalia ayaa sheegtay in weftigan ay ku wehelinayaan xubno ka mid ah kuwa sida buuxda uga sheeqa ka hortaga budhcad baddeeda oo ay ka mid yihii Midawga Yurub, Maraykanka iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka mukhaadaraadka iyo Dambiyada. Weftigan oo ka soo kicitimay magaalada Berbera ayaa socdaalkoodan Hargeysa waxa ku wehelinayey Wasiirka arrimha gudaha Somaliland, Cali Warancade, kuwaas oo ka soo dagay Madaarka Hargeysa, waxaanay tidhi Donna Leigh Hopkins oo Warbaahinta kula hadlaysay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa “Aniga oo ku hadlaya magaca kooxda xidhiidhka caalamiga ah ee ka hortaga budhcad baddeeda xeebaha Somalia, waxa igu wehelinayey socdaalkayga halkan xubno ka mid ah kuwa sida buuxda uga shaqeeya barnaamijkan oo faa’iido leh oo ay ka mid yihiin Midawga Yurub, Maraykanka iyo gaar ahaan xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hor taga Mukhaadaraadka iyo dambiyada, waxaanu wada shaqayn la leenahay Somaliland si ay u helaan meel ka fayow budhcad baddeeda iyo dambiyada lagu galo badaha”. Ayay tidhi Donna Leigh Hopkins. Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade waxaanu yidhi “Weftigani waxay Somaliland u yimaadeen inay indha indheeyaan dalka, xataa inay hubiyaan dadka jeelasha ku jira siday ugu nool yihiin iyo sida loogu dhaqaaleeyo, waxa kale oo ay doonayan iny wax weyn ka qabtaan dhinaca ciidamada badda Somaliland si ciidamadeenu ay awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xeebaheena Somaliland ay leedahay oo ay u ahaato meel nabadgayo ah oo laga ilaaliyo budhcad baddeeda”. Maxamed Osman Axmed, Madaxa Xafiiska Ka hortaga Budhcad Baddeeda, ee Somaliland oo isna Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu ka mid yahay weftigan nin maalqabeen ah oo Canada iyo Maraykanba ah oo maalgaliya mashaariicda ka hortaga budhcad baddeeda oo arinta uu u socdaaba ay tahay inuu sahamiyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa oo mashaariic Berbera ka socda lacagtii hore ee tijaabada ahayd uu isagu bixiyey, kaas oo intaa ku daray “Ninkani mar uu nala hadlayey waxa uu yidhi waxa aan khabiir ku ahay sida shaqooyinka loo abuuro markaa waxa uu eegayaa in dawladd lala shaqayn karo iyo in nidaam lala shaqayn karo ay meesha jiraan”.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.