Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Guddi Hoosaadyadii Golahaasi.
Posted by abdi on November 11 2013 00:28:32

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isku shaandhayn balaadhan ku sameeyey guddi hoosaadyada golahaasi oo ka kooban sagaal guddi.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isku shaandhayn balaadhan ku sameeyey guddi hoosaadyada golahaasi oo ka kooban sagaal guddi, oo muddo siddeed sanadood ah aan mar kaliya la taabanin. Gudoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro oo dalka ka dhoofay Khamiistii todobaadkii hore ayaa shalay markii ugu horaysay liisaska isku shaandhaynta guddi hoosaadyada iyo qoraalka uu ku sii magacaabay lagu dhajiyay xarunta golaha wakiilada. Isku shaandhaynta gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku sameeyay guddi hoosaadyada golihiisa ayaa labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani ay guddiyada qaarkood kala sed roon yihiin, kuwaas oo liisaska laga dareemayo in xisbiga Wadani xubnihiisa golaha wakiiladu kaga jiraa ay guddiyada dhaqaalaha iyo joogtada ku badan yihiin, halka xisbiga Kulmiye isaguna xubnihiisu ay k used roon yihiin guddiyada shuruucda iyo khayraadka dabiiciga.

Qoraalka gudoomiye Cirro ku magacaabay guddiyada iyo liisaska isku shaandhaynta guddiyadu waxa uu u qornaa sidan, iyadoo aanu xildhibaan kasta idiinku muujinay xisbiga uu ka soo jeedo, halka aanu xubnaha madaxabanaana ku muujijnay.

I. Guddida joogtada iyo anshaxa

1. Cabdiraxmaan Maxmad Talyanle --- Kulmiye

2. Baar Siciid Faarax --- Wadani

3. Ibraahim Caraale Cabdi --- Kulmiye

4. Siciid Cartan Cismaan Faarax --- Wadani

5. Maxamed Saalax Cige --- Wadani

6. Maxamed Dhunkaal Guutaale --- Kulmiye

7. Maxamed Cumar Maxamed (Bulqaas)-Kulmiye

8. Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagale) ---- madaxbanaan

9. Jaamac Xasan Aadaan ---- Wadani

10. Maxamed Xuseen X. Ciise ---- Kulmiye

11. Mahdi Cabdillaahi Maxamed ---- Wadani

12. Aadan Maxamuud Hoori (Mataan) ---- Wadani

13. Axmed Barkhad Obsiiye ---- Madaxbanaan

14. Cali Sheekh Ibraahim Aareeye ---- Wadani

15. Cabdilaahi Xuseen Cige (Blacki) ---- Kulmiye

16. Axmed Ducaale Bulaale ---- Kulmiye

17. Ibraahim Mahdi Buubaa ---- Wadani

II. Guddida arrimaha gudaha, Difaaca iyo nabadgalyada

1. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac --- Wadani

2. Xamse Maxamed Gaadaweyne --- Kulmiye

3. Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde --- Madaxbanaan

4. Cali Xasan Maxamed --- Kulmiye

5. Baashir Sh. Xuseen Tukaale --- Wadani

6 Maxamed Xaaji Jaamac Cilmi --- Madaxbanaan

7 Xaashi Xuseen Caabi --- Wadani

8 Cali Xaaji Maxamed Muuse --- Wadani

9 Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) --- Wadani

III. Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

1 Naasir Xaaji Cali Shire ---- Wadani

2 Axmed Yaasiin Sh Ali Ayaanle --- Madaxbanaan

3 Xuseen Ismaciil Yuusuf --- Wadani

4 Ibrahim Axmed Haybe --- Kulmiye

5 Maxamed Cali Hersi --- Kulmiye

6 Cabdiqaadir Jamac Xamuud --- Kulmiye

7 Mahadi Yuusuf Cadare --- Kulmiye

8 Cabdikariin Aw-Cali Shabeel --- Wadani

IV. Guddida Deegaanka, Khayraadka Dabiiciga ah.

1 Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan --- Kulmiye

2 Maxamed Baaruud Shide --- Wadani

3 Axmed Maxamed Nuur --- Wadani

4 Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley) Kulmiye

5 Faarax Maxamed Cabdulle --- Wadani

6 Siciid Warsame Ismail --- Wadani

7 Axmed Xasan Aadan (Wayso-cadde) Madaxabanaan

8 Maxamed Yusuf Axmed (Wabeeyo) Kulmiye

V. Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga

1 Maxamuud Axmed Obsiiye --- Kulmiye

2 Abdulqaadir Jibriil Tukaale --- Wadani

3 Abdiqadir Askar Xasan --- Wadani

4 Farxaan Maxamed Cali --- Kulmiye

5 Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) Kulmiye

6 Hussein Maxamed Cige --- Wadani

7 Cumar Axmed Saleebaan --- Kulmiye

8 Siciid Maxamed Cilmi --- Wadani

9 Saleebaan Yuusuf Cali Koore --- Madaxbanaan

VI. Guddida Arrimaha Bulshada iyo Diinta.

1 Cabdiraxmaan Cismaan Caalin --- kulmiye

2 Maxamed Axmed Dhakool --- Madaxbanaan

3 Maxamed Faarax Qabile --- Ucid

4 Xasan Cawaale Caynaan --- Kulmiye

5 Maxamed Jaamac Cali Guuleed --- Kulmiye

6 Saleebaan Cawad Cali (Bukhari) --- Kulmiye

7 Maxamed Barkhad Migane (Xamal) Madaxbanaan

8 Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ( Aw-xoog) Wadani

9 Abubakar Cabdiraxmaan Good Kulmiye

VII. Guddida Arrimaha Dibedda

1 Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi --- Madaxbanaan

2 Maxamed Jaamac Cabdi --- Kulmiye

3 Adan Haji Deria Dirir --- Kulmiye

4 Xariir Siciid Bulaale --- Kulmiye

5 Abdillahi Axmed Yusuf Madar --- Wadani

6 Cabdicasiis Ismaciil Ducaale --- Kulmiye

7 Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere) Wadani

8 Fu’aad Sh. Muxumed Cabdulle --- Wadani

9 Axmed Cabdi Nuur (Kijandhe) --- Kulmiye

VIII. Gudidda Dastuurka, Garsoorka, Cadaalada & X. insaanka ee Golaha Wakiilada

1 Siciid Cilmi Rooble --- Kulmiye

2 Abdirahman M Jaamac (lawyer) Wadani

3 Muuse Maxamed Ismail --- Wadani

4 Ibrahim Axmed Raygal --- Kulmiye

5 Xasan Muuse Hufane --- Wadani

6 Maxamuud Jaamac Warfaa - Kulmiye

7 Cali Maxamed Adan (Cali Barre) - Kulmiye

8 Maxamed Cumar Adan jiir ---Kulmiye

9 Khadar Aadan Xussen --- Wadani

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.