Hadalkii Faysal Cali Waraabe oo Khilaaf Culus ka dhex Qarxiyay Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga UCID.
Posted by xaaji on May 24 2011 19:05:32

Hargeysa(Hargeysa Online)Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa si weyn isugu khilaafsan Maqaal uu dhawaan Guddoomiyaha Xisbigaasi ku qoray Warbaahinta, ka dib markii xubno ka mid ah Guddida fulinta ee Xisbiga UCID ay Maqaalkaasi ku sheegeen mid Guddoomiyaha ku kooban oo aanu Xisbigu la qabin.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa si weyn isugu khilaafsan Maqaal uu dhawaan Guddoomiyaha Xisbigaasi ku qoray Warbaahinta, ka dib markii xubno ka mid ah Guddida fulinta ee Xisbiga UCID ay Maqaalkaasi ku sheegeen mid Guddoomiyaha ku kooban oo aanu Xisbigu la qabin.
Dhinaca kale qaar ka mid ah ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoteelka Maka Al Mukarama ee Magaalada Hargeysa ayaa si weyn u difaacay hadalkii guddoomiyuhu Saxaafada ku qoray, kaasoo ay sheegeen inuu Guddoomiyahoodu kaga hadlay waaqaca siyaasadeed ee jira, isaga oo ka wakiil ah xisbiga uu madax ka yahay, maadaama oo dastuurka xisbigu u Fasaxayo in uu hagi karo maamulka siyaasada xisbiga.

Xubnaha oo kala ahaa ku simaha guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee UCID Xuseen Xasan Badmaax , guddoomiyihii ololaha doorashooyinkii ee gobolka Maroodijeex Maxamuud Cali Madoobe iyo shakhsiyaad kale waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen hadalo ay sheegeen inaan loo miidaan dayin oo ay ku dhawaaqeen masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID, kuwaasoo ay ku eedeeyen in ay khal-khalgalinayaan midnimada xisbiga iyaga oo uga faa’iidaysanaya ujeeddooyin siyaasadeed oo ay wataan iyo Kursi raadis.

Ismaan dhaafka Siyaasadeed iyo Hadaladan ay isugu Jawaabayaan Madaxda Xisbiga UCID oo Labadii maalmood ee u dambeeyay cirka isku shareeray waxa la rumaysan yahay inay salka ku hayaan isbadel lagu samayn doona dastuurka xisbiga, kaasoo lagu kala saarayo guddoomiyaha Xisbiga iyo murashaxa Jagada Madaxtinimadda ee shanta sano ee soo socda, sida uu sheegay hogaanka Xisbigaasi Eng: Faysal Cali Waraabe.

Hasa yeeshee waxa arintaasi si weyn uga soo horjeestay xubno ka tirsan guddida fulinta ee uu madax u yahay ku simaha guddoomiyaha ahna afhayeenka xisbiga Xasan Xuseen Codyare oo shalay Warsaxaafadeed ka soo saaray Xafiiska Xisbigaasi, iyaga oo ku dooday inaanu arintaasi Guddoomiyaha xisbigu kala tashan, isla markaana aanay iyagu la qabin.

Dhinaca kale Xarunta Xisbiga UCID ee Magaalada Hargeysa ayaa saaka albaabada loo laabay,ka dib markii ay weerar ku qaadeen Koox ka tirsan taageerayaasha Xisbigaasi oo taageersan hadalkii Gudoomiyaha Xisbiga UCID, kana gadooday Jawaabtii ay ka bixiyeen Masuuliyiinta hadalkaasi madaxda Xisbigaasi ka tirsani.

Waxa sidoo kale guul daraystay dhexdhexaadin ay isku dayeen Masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB, kuwaasoo uu horkacayay wasiirkii hore ee hawlaha Guud Siciid Sulub, iyada oo sida la sheegay markii kooxdaasi soo weerartay Xafiiska ay baxsadeen xubnihii ka soo horjeestay Guddoomiyaha, halka kuwii taageersanaana ay gaafwareegayeen agagaarka Xarunta Xisbiga ilaa wakhti dambe.


 

Mukhtaar cabdi Cilmi.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

HargeysaOnline.Net