Roob Laxaadle Oo Ka Da’ay Magaalo Xeebeedka Berbera.
Posted by xaaji on November 12 2013 18:00:56

Hargeysa(Hargeysa Online)Roob laxaadle ayaa mudo saacado ah ka da’ayey shalay Magaalo xeebeedka Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, roobabkaas ayaa inta la ogyahay aan la soo sheegin wax khasaare ah.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Roob laxaadle ayaa mudo saacado ah ka da’ayey shalay Magaalo xeebeedka Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, roobabkaas ayaa inta la ogyahay aan la soo sheegin wax khasaare ah oo gaadhay bulshadda deegaanadaas ku dhaqan, walow roobabka 24-kii saacadood ee ugu danbeeyey da’ayey ay cabsi galiyeen dadka ku dhaqan Berbera.

Sida ay dad ku sugan Magaalada Berbera u sheegeen Hargeysa Online Roobabkan oo da’ayey mudo ka badan 10 saacadood ayaa gabi ahaanba hakad galiyey dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga caadiga ah ee magaaladda Berbera, isla markaana wax shaqo ahi ka soconin xarumaha dawladad gaar ahaan dekeadda Berbera, iyadoo uu xalay maamulka gobolka Saaxil bandoo ku soo rogay isku socodka caadiga ah ee Magaaladdaasi.

Maamulka gobolka Saaxil ayaa la sheegay inay iyagu dadweynaha ka sii wacyigeliyeen ilaa maalintii doraad inay ka digtoonadaan khasaaraha roobab ka da’a gobolkaasi, kadib markii khubaro ku takhasustay saadaasha hawadu ay soo saareen war sheegaya in roobab dabaylo wataa ay ka di’i doonaan xeebaha Puntland, isla markaana uu gaadhi doono Somaliland.

Masuliyiinta Dawladda Hoose ee degmadda Berbera ayaa la sheegay inay makarafoono kula dhex wareegeen habeen hore ilaa shalay subaxnimadii gudaha magaalada iyaga oo bulshada u sheegeyey inay ka fogaadaan meelaha dooxyada ah ama biyo mareenka ah, kana feejignaadaan guryaha gaboobay ee u nugul inay dumaan, iyadoo la qaar ka mid ah dadweynaha xaafadaha magaaladaasi oo shalay subaxnimadii hore ka baxaya guryahooda, gaar ahaan xaafadaha Daaroole iyo Barwaaqo oo ay ku yaalaan guryo gaboobay oo qadiimi ahi.

Sidoo shalay Magaalada Hargeysa ayaa shalay ilaa xalay waxa ka da’ayey roob saacado socday oo dhibicdiisu aanay sidaa u badnayn balse wata qabow iyo dhaxan.


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.