Duulimaadyadii Madaarka Hargeysa oo maanta isyaagay.
Posted by xaaji on November 12 2013 18:12:01

Hargeysa(Hargeysa Online) Duulimaadyadii Imaaraadka, Itoobiya iyo Muqdisho ee saaka soo fadhiisan lahaa madaarka Hargeysa ayaa ka laabtay kadib markii ay soo caga dhigan kari waayeen Ceeryaan qarisay darteed.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Duulimaadyadii Imaaraadka, Itoobiya iyo Muqdisho ee saaka soo fadhiisan lahaa madaarka Hargeysa ayaa ka laabtay kadib markii ay soo caga dhigan kari waayeen Ceeryaan qarisay darteed, waxaanay Rakaabkii ay duulimaadyadaasi sideen ka dajiyeen Diridhaba, Jabuuti iyo Berbera.

Diyaaradda Itoobiya Air-line ayaa ku laabatay magaaladda Diridhaba, halka diyaaradda Jabba ay u laabataya dhinaca Dalka Jabuuti oo ay ka degtay, wallow imika la filayo in ay dib ugu soo duusho magaaladda Berbera, diyaarada Afrika oo iyana ka soo duushay dubai ayaa iyana markii ay ka noqotay hargeysa ku degtay berbera.

Duulimaadyadii UN-ta ayaa iyana ku noqday magaaladda Muqdisho halka kuwooda yar yari ay ka duuleen hargeysa. Illaa hada wax aka da’aya madaarka Hargeysa Roob Ceeryaan leh kaasoo aan saamaxayn in ay dayuurado ku degi karaan am aka ahadi karaan, balse waxa la filayaa Rakaabka diyaaradda Afrika Expres iyo Jubba in Basas lagu daad gureeyo si Berbera looga qaado, wallow dooxyada berbera iyo Hargeysi Rogmanayaan oo ay adag tahay in laga gudbaa.

Lama oga goorta ay ceeryaantaasi ka kacayso madaarka hase yeeshee labadii maalmood ee u danbeeyey waxa Somaliland ka da’aya roob aan qaadayn kaasoo ilaa inta la ogyahay khasaare kooban la sheegayo in uu ka geystay dhismayaal ku yaala Burco iyo Berbera.


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.