Guddiga Joogtada Guurtida Oo Guddoomiya Ku Xigeen Cusub Doortay
Posted by xaaji on November 17 2013 21:51:36

Hargeysa(Hargeysa Online)Jagada gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada golaha guurtida oo uu iska casilay xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo u tanaasulay arrimo caafimaad dartood, isla markaana ay isku soo sharaxeen saddex xildhibaan.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Jagada gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada golaha guurtida oo uu iska casilay xildhibaan Cawil Xuseen Axmed oo u tanaasulay arrimo caafimaad dartood, isla markaana ay isku soo sharaxeen saddex xildhibaan, ayaa jagadaasi waxaa si rasmiya shalay loogu doortay xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale.

Fadhiga shalay ee guddiga joogtada golaha guurtida oo uu gudoominayay xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) ayaa jagadaasi ku xigeenka guddiga joogtada waxa cod aqalabiyada loogu doortay xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, oo isagu aan ka mid ahayn xubnaha loolanka ugu jiray jagadaasi, balse isaga gudoomiye Xaaji Cabdi waraabe iyo xubnaha guddigaasi ay isku raaceen inuu jagadaasi qabto, kaas oo 13kii xubnood ee fadhigaasi ka soo xaadiray ay cod gacan taah ah ku anxiyeen gudoomiye ku xigeenka cusub xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale.

Dhinaca kale xubno ka tirsan guddiga joogtada oo hunguri kaga jiray jagada gudoomiye Xaaji Cabdi waraabe, isla markaana naawilayey inuu Xaaji Cabdi waraabe isaguna is casili doono ayaa ku hungoobay damacoodii, kadib markii uu Xaaji Cabdi waraabe ku adkaystay inuu jagadiisa aanu iska casilaynin.

Gudoomiye ku xigeenka cusub ee joogtada Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa isagu sheegay in jagadaasi ay u garteen guddigoodu uu u gudan doono xilkeeda si hagar la’aan ah oo aanu waxba kala hadhi doonin, isagoo Hargeysa Online uga waramaya dareenkiisa markii la doortayna waxa uu yidhi “Runtii maadaama ay xubnaha guddigayagu igu kalifeen inaan jagadaasi qabto, isla markaana ay ii garteen inaan xilkaasi u qabto waxaan rajaynayaa inaanan aniguna waxba kala hadhi doonin xilkaasi ay ii xambaariyeen waajibaadkiisa, waxaanan ka codsanayaa xubnaha guddiga joogtada in gacmo ay wadajir wax ku gooyaan, isla markaana ay igu garab galaan xilkaasi ay doorashadiisa I ansixyeen”


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.