Faroole Oo Markii U Horaysay Shalay Gaadhay Deegaamadii Duufaantu Ku Dhufatay.
Posted by xaaji on November 17 2013 22:00:53

Madaxweynaha maamul goboleeedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa shalay gaadhey tuulada Qarxis oo ka tirsan gobolka Nugaal kana mid ah deegaanada ay khasaaraha ugu badan dhaadhsiiyeen.


Extended News

Madaxweynaha maamul goboleeedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa shalay gaadhey tuulada Qarxis oo ka tirsan gobolka Nugaal kana mid ah deegaanada ay khasaaraha ugu badan dhaadhsiiyeen roobabkii duufaanta watey ee maalmihii la soo dhaafay khasaaraha ba’an gaadhsiiyey.

 

Socdaalka wefdiga Faroole ayay ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda deegaannada ay duufaantu saameysay, isla markaana qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen baaxadda khasaara dhacay, si dadka tabaalaysan loo caawiyo.

Tuulada Qarxis iyo dhulka miyiga ah ee ku hareeraysan oo keliya, waxaa tirakoobyo hordhac ah oo la sameeyey lagu ogaadey in ay joogaan 500 qoys oo xoolo dhaqato ahaa ay duufaantu caydhaysay oo ay gabi ahaanba laysay duunyadii ay dhaqan jireen.

Hase yeeshee Guud ahaan deegaanada Puntland waxaa ka socda dadaal xooggan oo ku aadan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ku caydhoobey duufaantii dhowr maalmood ka hor ku dhufatay deegaanka gobolka Nugaal.

Guddiyo maamulka Puntland u xilsaaray arrintan iyo kuwo iskood isu abaabulay oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka kooban, ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey ku hawlanaa sidii loo caawin lahaa dadka ay duufaantu waxyeelaysay. Baahiyaha ay dadku qabaan waxaa ugu weyn, cunto iyo hoy la'aan.


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.