Madaxweynaha Somaliland oo safiirka Turkiga ee Somaliya Madaxtooyadda Casho sharaf ugu sameeyey.
Posted by abdi on November 23 2013 23:39:06

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa caawa casho sharaf qasriga Madaxtooyadda Somaliland ugu sameeyey safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa caawa casho sharaf qasriga Madaxtooyadda Somaliland ugu sameeyey safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya iyo wefti uu hogaaminayo oo ku sugan Hargeysa.

siiiDhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka turkiga u qaabilsan wadamada Somaliland & Somalia iyo weftigii uu hogaaminayey.

Kulankaas oo muddo saacado ah qaatay waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici)waxaana lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka turkiga iyo sidii ay ganacsatada Turkigu maalgashi uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland, iyo sidii Dalka Turkigu uga furan lahaayeen Somaliland xafiis heer safaaradeed ah.

wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ay kulan is afgarad ku dhammaaday la yeesheen Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ballanqaadeen inay iskaashi kala samaynayaan Somaliland horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada , caafimaadka iyo dimuqraadiyadda.

Md. Biixi waxa uu sheegay in kulanka maanta la iskula qaatay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo somalia.

Safiirka dalka turkiga oo isna dhinaciisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo dambe oo lagu sii xoonjinayo xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan, si habboona ay somaliland ugala shaqayn doonaan dhinacyada arimaha bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Safiirka iyo wafdiga dalka turkigu waxa kale oo ay maanta xafiisyadooda kulamo kula yeesheen wasiirka Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.