Wasiir Waran-Cade Oo Dufcadii 2aad Ee Gaadiidka 999-ka Ku Wareejiyay Bileyska.
Posted by xaaji on November 24 2013 14:03:01

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa shalay Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan ku wareejiyay 7 baabuur.


Extended News

 

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa shalay Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan ku wareejiyay 7 baabuur oo ah nooca loogu tallo galay in lagu fuliyo gurmadka deg-dega ah, kuwaas oo sidii baabuurtii hore ee uu ku hore ugu wareejiyey ka hawlgali doono qaybaha kala duwan ee Caasimadda, isla markaana ku hawl geli doona ciidanka Nabad-gelyadda waddooyinka.

Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade oo baabuurtaas ku soo bandhigay munaasibad xafiiskiisa ka qabsoontay oo uu baabuurtaasi ugu wareejinayey Taliska Guud ee ciidanka Booliska ayaa ka xog-waramayey sababta ku kaliftay arintaasi, kaas oo Ciidanka Booliskana ku ammaanay dedaalkooda la xidhiidha sugida iyo ilaalinta amniga dalka.

Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay inay dhawaan xukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay qalabaynta ciidammaddu ay ciidanka Booliska u keeni doonaan diyaaraha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter-ka.

Sidoo kale taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa Wasiirka Daakhiliga Mr Warancade ku amaanay deeqdan baabuurta gurmadka degdega ah ee uu Ciidanka ku wareejiyey.Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya Taliye Fadal, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan Idiinka sheegayaa galabta waad aragtaan baabuurta gar-gaarka deg-dega ah ee Meeshan-yaala iyo xaajiyada aad aragtaan in wasiirka wasaarada arimaha guddaha Somaliland cali maxamed waran cade uu ku wareejinayo ciidanka Booliska, kaas oo wax weyn la ka tari doona wasiirkana aan uga mahad celinayo, waxaa kale oo aan intaas idiin sheegayaa inaanu bilawnay hawlo adag oo ku saabsan xaga ciidanka wadooyinka, taas oo aad saaka arkayseen in ololaheedu socdeen, hawlahana waxaa ka mida waxaanu aad iyo aad culayska u saaraynaa , magaalooyinka dibadooda waxaanu dhigi doonaa baabuur iyo ciidan la socda oo Trafica oo sita buugtii ganaaxa, taas oo u jeedadiisu tahay xeer-ka nabadgalyada wadooyinka qodobka 75 -76 aad, waxaa uu tilmaamayaa baabuurtu marka ay ka baxaan magaalooyinka ee ay marayaan dibadaha magaalooyinka in xawliga ay ku soconayaan ee loo ogolyahay la ilaaliyo, waxaanu darawaliinta dhamaan waxaan farayaa oo aan u sheegayaa cidii xeer-kaas khilaafta in wadada sharciga ah la marin doono si loo xakameeyo shilalka iyada oo baryahan danbe bateen taas ayaana nagu kaliftay inaanu hawshan dar dar galino, waxaana ka mida magaalada guddaheeda waa inaanu 20 dhaafi Karin, waxaa kale oo aan u sheegayaa in gadiidka magaalooyinka dhexdiisa haday yahiin kuwa caruurta gurta iyo haday yahiin kuwa jaad layasha, tusaale ahaan hadaan idin siiyo xeer-ku waxaa uu dhigayaa in magaalada marka ay ka baxaan aanu ka badnaan 80 kaliya babuurta waaweyna 80-100 kuwa kale ee magaalooyinka guddaheedana waa isku wada mid. cida markaas xeer-kaas ku gafta ciidanka bilaysku gaar ahaan qaybta ciidanka Nabadgalyada Wadooyinku waxay ka qaadi doonaan talaabo sharciya oo adag, waxaa aad arkayseen ilaa shalay ilaa maanta oo ay olole wayn ku qaadeen ciidanka nabadgalyada wadooyinku inay liisanada xaga baabuurta, Waxaan fariin u dirayaa dad-ka shacabka reer Somalland oo aan u sheegayo in ciidanku ay xoog badan saari doonaan in nin aan Liisan lahayn Gadiid wadi doonin dhamaana Service ka ama (gobaha) loo qaybiyayna hore loogu Sheegay imikana si aanu u xoojino. waxaa kale oo jira gadiiidka qaada rarka saayidka ah in ay la mid noqon doonaan.waxaan fariiin kale u dirayaa shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa in darawalada Somaliland ay xidhaan beelka(Xadhiga Badbadiyaha) kaas oo bad-baadin doona dirawalka wada gaadhiga oo ka yarayn doona shilalka badan ee dhaca in uu ku dhinto dirawalku iyada oo ay sabab u tahay in uu ka baxo muraayada,markaas taana waan ku adkayanayaa , waxaan u sheegaynaa oo kale in talabo sharciga waafasan laga qaadi doono qof aliyaale qofkii Moile ku dhex isticmaala Gaadhigiisa Isaga Oo Wata ” ayuu yidhi talyaha Ciidanka Somaliland

Sidoo kalena waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada arimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran cade, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Dawladda Somaliland waxay ku caan baxday, dawlada kaliya ee aan addunka cidi caawinin ee hadana ummad iyo shacaba ku tashaday in dunidu ma jeerato dunida quruxda badan ee camiran ee dhamaanba goobaheegi dawladnimo u dhanyahiin inay arkan, waxaanu halkan maanta iskugu nimid inaynu booliska gaar ahaan ciidanka Traffic aanu kor u qaadno , tayadooda iyo tiradoodaba waxaad halkan ku arkaysan ciidan aad iyo aad u dhalaalaya oo dirays cusub oo aanu ugu talo galnay haybada ciidanka wadooyinka inay kor u qaadno iyo gaadiid aan ugu talo galnay inay ku shaqeeyaan ayaad halkan ku aragtaan, Dufcadani waa dufcadii 2aad tii hore waanagii booliska siinay imikana waxaanu siinay taraafikada tii saddexaadna way nagu soo dhawdahay, o waanu u qaybin doonaa haduu ilahay idhahdo si aanu diidanka tayadooda kor ugu qaadno, waxaan ciidanka iyo shacbigaba ugu bushaaraynayaa inaanu keeni doono Diyaaradaha Helicopter-ka loo yaqaano oo aanu rabno in gar-gaar ahaan aanu u keeno oo ciidanka aanu ugu qalabayno oo dhawaan inoo iman doona, waxaana ay wax wayn ka tari doonaan dhinaca nabadgalyada, waanad aragteeno xiliyada roobabku rogmanayaan waxaa ku dhaca dad ayaa dad-ku qaadaan iyada oo muddo badan ay ku raftaan biyaha daadka oo cid gasha la waayo ama cid bad baadisa kadibna ay qaadaan dadadku, duyuuradahaasi waxay inaga anfaci doonan kaalmaha dag-daga tas oo boolis lagu toobabari doono in iyaga oo xadhko sita ay u daataan biyaha bad baadiyaana dadakaasi, sidoo kale markay dhacdo duufanadii malmihii dhawaydo kale sidii nagu dhacday malin dhawayd oo aanu gali waynay dhulka qaarkii dhawr cisho oo biyo iyo cunto la’aan qaarkood u bakhtiyi gadheen waxay wax ka tari doontaa in meelahaas oo kale aaynu ugu gurmano ama loogu daadiyo raashin, shaqada booliskana waxa wayn ayay ka tari doontaa, waxan sheegayaa in aanay dhici doonin in qof in uu baaburka kaxeeyo isaga oo cadeyn sidan waad aragteen waxa shilal dalka ka dhacaya, malin walba ummado dhan iyo xaasas dhan oo meelahas u dalxiis tagaya ayaa gaadhi la qalib maa waxaana sababa qofka wada oo aan dirawal saxa ahayn, wax yaabaha kale ee sharciga la hor keeni doono hadii dirawalka lagu arko waxaa ka mida in telephoon qofka ku hadla isaga oo wada oo ciidanku la kulmaan in la qabto sharcigana la mariyo, waxaanu qaban doona cida aan xidhan suunka gaadhiga waxaana sharciga sidoo kale la hor keenaya cida gadhigiisu aanu lahayn calaamadaha loogu talo galay sida marka uu laabayo laydhka uu bixiyo , waxaanu u dhiibi doona ciidanka tarafic buugagtii ay wax ku ganaaxi lahaayeen, oo imika la hayo oo intii la bilaabayna guul wayn ay ka soo hooyeen, qofku awxaa uu ku khasbanaan doona in la ganaaxo haduu bixin waayana baabuurka laga dhigo, haduu bixin wayana lagu sii kordhiyo , waxaan u sheegayaa baabuurta jaadka qaada in iyana waxay ku socdaan xawli dheer in aanay ka badan doonin 30 ama 20 hadii lagu qabtana baabuurka la ganaaxi doono, waxa la istaagi doona meelo aanay dadku imika arki doonin, oo wadooyinka dhaadheer deetana meel aliyaale meesha lagu qabto isaga oo xawli ku socda in ganaax lagu soo rogi doono insha allah waxaan qabaa in ciidanka wadooyinku dhib badan ay kaga raysan doonan dadkuna shilal badan ay kaga raysan doonaan “

 


Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.