Xaaji Cabdi Waraabe Oo Sheegay Haddii Khilaafka Wakiilada Ka Aloosani Uu Golahaasi Soo Dhaafo Ay Xalintiisa Ka Hawlgali Doonaan.
Posted by abdi on November 25 2013 18:13:46

Hargeysa (Hargeysa Online)Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida Somaliland Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe) ayaa sheegay inay ka hawlgali doonaan gole ahaan haddii khilaafka ka dhex taagan golaha wakiiladu iyaga uu soo dhaaf.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida Somaliland Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe) ayaa sheegay inay ka hawlgali doonaan gole ahaan haddii khilaafka ka dhex taagan golaha wakiiladu iyaga uu soo dhaafo, waxaanu tilmaamay inuu rajo weyn ka qabo in khilaafkaasi ay shirgudoonku gudahooda xalin doonaan.

Xaaji Cabdi Waraabe oo Hargeysa Online wax ka waydiiyay sida uu u arko khilaafka ka dhex aloosan shirgudoonka golaha wakiilada ee ka dhashay isku shaandhayntii guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay gudoomiye Ciro iyo qorshaha uga yaala inay dhexdhexaadin ka gali doonaan golahoodu, waxa uu yidhi “Horta Cabdiraxmaan Ciro-na dalka wuu ka maqan yahay, waxaan u malaynayaa inay isku tanaasuli doonaan, waa rag caqli leh oo dawlada farsamadeeda garanaya, haddii naloo baahdo oo khilaafku iyaga soo dhaafo ayaa la gali karaa, mase filayo inuu iyaga soo dhaafo sida aan iyaga ku aqaan”

 

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland