Wasiirad Fowsiyo Yusuf oo Brussels kulamo kula qaadatay Wafuud Caalami ah.
Posted by xaaji on November 28 2013 12:43:56

Wasiir Fowzia ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay wasiirada dalalka Yurub oo ay ka mid yihiin Wasiirka Horumarinta Caalamiga iyo Ganacsiga ee Ireland Joe Costello, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Finland, Mr Pekka Haavisto.


Extended News

 

Wasiir Fowzia ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay wasiirada dalalka Yurub oo ay ka mid yihiin Wasiirka Horumarinta Caalamiga iyo Ganacsiga ee Ireland Joe Costello, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Finland, Mr Pekka Haavisto, Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, Mr Jan Eliasson, Agaasimaha Guud ee Afrika ee Midowga Yurub Nick Westcott iyo mas’uuliyiin kale oo ay dhammaan kala hadashay sida Soomaaliya ay diyaar u tahay oo dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii iyo barnaamijyadii waddanka looga fulin lahaa mashaariic shaqo u abuuraya dhalinyarada iyo dumarka Soomaaliyeed. Sidoo kale wasiirada waxey codsatay in ballanqaadyadii ay caalamka sameeyeen la soo dedejiyo si waddanka loogu soo dabaalo nabad iyo horumar.

Wasiir Fowzia ayaa tiri “Caalamku waa diyaar ee aan u diyaar garowno. Waxaan mahad gaar ah u celinayaa Midowga Yurub oo door hoggaamineed ka qaatay arrimaha Soomaaliya, hase ahaatee ay muhiim tahay in caalamku soo dedejiyo kaalmadooda ku wajahan dib u dhiska dalka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed

Hargeysa Online Networks Inc.

173.jpg

244.jpg

341.jpg

432.jpg

625.jpg

719.jpg