Maxbuus Dil ku xukuman oo Tooray la dhacay Maxbuus ku xidhan Jeelka Hargeysa.
Posted by abdi on November 28 2013 13:18:19

Hargeysa(Hargeysa Online) Maxbuus Dil ku xukuman ayaa la sheegay in uu Tooray shalay la dhacay maxbuus ku xukunaa Hal sano oo sida la sheegay dhaqan celin ugu xidhan Jeelka Hargeysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Maxbuus Dil ku xukuman ayaa la sheegay in uu Tooray shalay la dhacay maxbuus ku xukunaa Hal sano oo sida la sheegay dhaqan celin ugu xidhan Jeelka Hargeysa, kaasoo dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay Tooraydaa loo dhigay Cisbitaalka Hargeysa.


Maxbuuska Dilka ku xukuman ayaa la sheegay in uu qol kula xidhnaa maxbuuska kale ee uu Tooriyeeyey waxaana la sheegay in uu ka tuntay Toorayda Joog qoyskoodu muqumad ugu keeneen kaasoo uu ku haystay qolka ay ku wada xidhnaayeen, sida aya Hargeysa Online u sheegeen dad la soo xidhiidhay.

Maxbuuska dhaawaca ah ayaa la geeyey Cisbitaalka hase yeeshee waxa la sheegayaa xaaladdiisa Caafimaad inay aad u liidato isla markaana dhakhaatiirtu la tacaalayso sidii ay u badbaadin lahaayeen.

shabaka caalamiga ah ee Hargeysa Online isku dayey in uu dhacdadan wax ka weydiiyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaanay u suurtogelin kadib markii ay Telefoonadooda gacanta ka jawaabi waayeen.

Dhacdooyin noocan oo kale ah ayaa hore uga dhacay xabsiyadda Dalka hase yeeshee waxay noqdeen kuwo soo noq noqday oo aan loo maamulin si wanaagsan.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland.