Xukuumadda Oo ka aamustay Colaada Ka Aloosan Degmada Taleex.
Posted by abdi on December 03 2013 19:38:52

Hargeysa(Hargeysa Online)Xukuumadda talada dalka haysa ee xisbiga Kulmiye ayaan ilaa hada ka hadal dagaalada iyo colaadaha ka aloosan deegaamada gobolka Sool ee Somaliland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xukuumadda talada dalka haysa ee xisbiga Kulmiye ayaan ilaa hada ka hadal dagaalada iyo colaadaha ka aloosan deegaamada gobolka Sool ee Somaliland oo dhawaan uu dagaal ba’ani ku dhex maray Ciidamo uu watay Madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland C/samad Cali Shire iyo kuwo ka soo jeeda deegaankaasi oo sheegta maamulka Khaatumo.

Dhaqdhaqaaqyadda iyo xiisadaha dagaal ee ka jira deegaamadaasi ayaa u muuqda kuwo wakhti kasta suurtal ka dhigi kara in dagaal halkaasi ka qarxo, taas oo dad ku sugan degmada Taleex ay Hargeysa Online u sheegeen dagaalkii halkaa ka dhacay wixii ka dambeeyey labada dhinacba ay ku hawlanaayeen diyaargarow iyo hub urursi laxaad.

Hase yeeshee Xukuumada Somaliland ayaan iyadu ilaa wakhtigan ka hadal dagaalka ka dhacay gudaha gobolka Sool oo ka mid ah dhulka Somaliland.

Inkasta oo xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani ay iyagu dhinacooda cambaareeyey faro-galinta iyo dagaalka qaawan ee uu horseedka ka yahay Madaxweyne Faroole oo isagu ka badheedhay inuu dagaal ka rido gudaha dhulka Somaliland, ayaa maamulka Puntland uga digay faro-galinta ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana xukuumadda talada haysa ee xisbiga Kulmiye-na ku dhaliilay inay doorkii ay ku lahayd arimahaasi aanay ka qaadanin.

Dhinaca kale sida ay Hargeysa Online u sheegeen dad xogogaal ah oo ku sugan deegaanada gobolka Sool ayaa sheegaya in ilaa shalay ay jireen dhaqdhaqaaqyo xoogan oo laga dareemayo dhinacyadii dagaalku ku dhexmaray halkaasi, walow laga awood batey maleeshiyo beeleedkii Khaatumo.

Waxa kale oo wararku ay sheegayaan in magaaladda Laascaanood ay ka baxeen Madaxdhaqmeed iyo waxgarad iskood iskugu xilqaamay sidii ay xal uga dhalin lahaayeen dagaalka dhimashada sababay ee dhacay degmada Taleex.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.