Ciidanka RRU-da oo isku xeeray xarunta Xisbiga UCID isla markaana Rafacay Sameecado ku rakibnaa.
Posted by abdi on December 10 2013 12:48:16

Hargeysa(Hargeysa Online) Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland C/raxmaan Fooxle ooh or-boodaya Ciidanka RRU-da ayaa saaka ku waaberiistay xarunta guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland C/raxmaan Fooxle ooh or-boodaya Ciidanka RRU-da ayaa saaka ku waaberiistay xarunta guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaanay Rafaceen Sameecado hor yaalay xaruntaas oo loogu talogalay in ay masuuliyiinta Xisbigu kula hadlaan taageerayaashooda.

Sarkaalka ugu sareeya Hawl-gelinta Ciidanka Booliiska iyo madaxda kale eek a hoosaysa Taliye Fooxle ayaa barxada Xarunta dhooban, halka RRU-du-na ka dul gaaf-wareegaysan Xarunta iyo agagaarkeeda.

Muran iyo dood ayaa dhex martay Masuuliyiinta UCID ee xarunta ku sugnayd iyo saraakiisha Booliiska, taasoo sababtay in qaar ka mid ah madaxdii goobta ku sugnayd Booliisaku u gacan qaadaan isla markaana xabsiga u taxaabaan, hase yeeshee wadahadal kadib way sii daayeen.

Madaxda UCID ayaa dib u istaadhatay Sameecadihii waxana ka baxaya xarunta Xisbiga Heeso lagu sugayo inta ay taageerayaashoodu isku soo baxayaan, waxaanad moodaa in goor dhaw la isugu iman doono xarunta guud si looga hadlo maadaama Xukuumaddu diiday mudaharaadkii ay dalbadeen.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.