Golaha Guurtida Oo Shacbiga Ugu Baaqay Inay Si Wadajir Ah U Ilaaliyaan Nabadgalyada Iyo Guddiga Cadaalada Oo Barito Hortagaysa.
Posted by xaaji on December 11 2013 18:12:05

Gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada golaha guurtida Somaliland Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo guddigoodu xilligan oo gole weynuhu ku jiro fasaxii kalfadhigooda u xilsaaran geedi socodka.


Extended News

Gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada golaha guurtida Somaliland Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo guddigoodu xilligan oo gole weynuhu ku jiro fasaxii kalfadhigooda u xilsaaran geedi socodka hawlaha shaqo ayaa golaha wakiilada ugu baaqay inay wada hadal ku xaliyaan khilaafaadka ka dhex taagan, tilmaamayna in wixii qaladaad ah lagu dhameeyo sixitaan, isagoo intaa ku daray in rayiga iyo afkaaraha lagu kala duwanaan karo, balse ay ceeb tahay in la xalin kari waayo wixii ismaan-dhaaf ah ee ka dhasha hawlaha shaqada.

Waxa kale oo uu gudoomiye Ducaale sheegay in maalinta barito ay filayaan in kulan xogwaraysiya ay la yeeshaan guddiga cadaalada, isagoo dhinaca kalena shacbiga Somaliland ugu baaqay in nabadgalyada iyo xasiloonida dalka si wadajir ah loo wada ilaashado, kana digay fal kasta oo wax u dhimi kara amaanka dalka.

Sidaasi waxa uu ku sheegay xogwaraysi uu shalay Hargeysa Online ku siiyay xarunta golaha guurtida ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Guddiga joogtada hawlaheedii way socdaan oo ajandihii ayaanu samayn doonaa, iyadoo fasaxii goluhuna uu gabagabo yahay. Waxaan jecelahay inaan baaq u diro shacbiga Somaliland oo aan kula dardaarmayo inay ilaashadaan nabadgalyada guud ee dalka oo ah mid nabadu ay dan u tahay madax iyo mijaba. Rasuulku (CSW) waxa uu ku ducaysan jiray amni wali iimaan, amniga ayaa ka horeeya iimaanka, hadaan iimaan jirina amaan ma jiro. Waxaan la yaabanahay dadka doonaya inay nabadgalyadaasi iyo xasiloonidaasi uu Alle Somaliland siiyay inay baabiiyaan, haddii nabadgalyadu faraha ay ka baxdo cid ka badbaadaysaa ma jirto fidmada ka dhalata, caqligana aynu ka shaqaysiino muxaafid iyo mucaaridba waa in nabadgalyada la wada ilaashado”

Gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada golaha guurtida mar aanu waydiinay masuuliyiinta dawlada ee ay la kulmi doonaan todobaadkan waxa uu yidhi “Waxaanu ku rajo weynahay inaanu Khamiista barito kulan xogwaraysiya aanu la yeelano guddiga cadaalada arrinkaasi ayaa noo qorshaysan haddii ay noo suuro gasho.

Intaa ka dibna waxyaalihii noo qabsoomay muddadii goluhu fasaxa ku jiray ayaanu isku ururinaynaa, gole weynaha ayaanu horgaynaynaa warbixinta ka soo baxday hawl qabadkaasi, go’aano-na ka gaadhi doona”

Mar aanu waydiinay sida ay u arkaan khilaafka ka dhex taagan golaha wakiilada oo maraya in xildhibaanadu isku fara saaraan waxa uu yidhi “Khilaaf haduu yimaado wada hadal baa lagu dhameeyaa, rayiga wa laysku khilaafi karaa oo Masaajidka ayuunbaa imaanka lagu wada xidhaa, balse cid shaqo ka wada dhaxaysaa wixii khilaafa ee dhex yimaada iyagaa saxa, fariintase aan usoo jeedinayaa golaha wakiilada waxay tahay waar qalad haduu dhaco waa la saxaa”.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.