Ciidanka Booliiska Somaliland oo Albaabbada u Laabay Xafiiskii Wargeyska HUBAAL.
Posted by xaaji on December 14 2013 13:21:33

Ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan RRU ayaa xalay la wareegay xarunta guud ee wargeyska HUBAAL oo ka mid ah wargeysyada madaxa-bannaan ee kasoo baxa magaalada Hargeysa.


Extended News

Ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan RRU ayaa xalay la wareegay xarunta guud ee wargeyska HUBAAL oo ka mid ah wargeysyada madaxa-bannaan ee kasoo baxa magaalada Hargeysa.


Ciidankan ayaa wakhtigii ay xafiiska yimaadeen la wareegay xaruntii, isla markaana xidhay laba qof oo ka tirsan shaqaalaha wargeyskaaasi oo magacyadooda la yiraah Axmed Cismaan iyo Mustafe Maxamed Farro.

Ciidankan soo galay, ayaa watay illaa shan baabuur, isla markaana agagaarka oo dhan isku xeeray, ka dibna waxay qufuleen xafiiskii, iyagoo kaga tagayna ciidan ilaaliya.

Ciidankan ayaa la sheegay inay siteen waraaq maxkamadeed oo ay ku soo xidhayaan wargeyska, isla markaana waraaq sheegaysa in aan la furi Karin ku dhajisay wajiyadda hore ee xafiiska, iyagoo madbacdaha wargeysyada daabaca ugudbiyey amar ah in aan wargeyskaasi la daabici Karin, cidii daabacdana sharciga la hor keeni doonno.

Toddoba bilood ka hor ayaa Wargeyskan Hubaal ee xafiiskiisa la xidhay oo hore dhibane u ahaa xukuumada ay goor habeenimo ahi soo weerareen laba nin oo hubaysan oo midkood ahaa sarkaal ciidanka Booliska ka tirsan, kuwaas oo mid ka mid ragii soo weeraray ay qabteen oo ay u gudbiyeen ciidanka Amaanka, haseyeeshee laba toddobaad ka hor la siidaayey ninkii loo haystay weerarka hubaysan.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.