Ciidamadii Biimaal Oo No-50 La Wareegay Iyo Maleeshiyaadkii Indhacadde Oo Afgooye U Cararay.
Posted by xaaji on December 18 2013 08:20:14

Maleshiyaadkii indhacadde ayaa laga gubay 3-gawaari oo Tikniko ah,halka laga dilay 35-Maleeshiyaad,iyagoodhaawacii ay ka carareena waxaa lagu daweynayaa Degmadda Marka.


Extended News

La Wareegay Iyo Maleeshiyaadkii Indhacadde Oo Afgooye U Cararay (Maalintii 6-Aad Oo Sh/Hoose Dagaal Ka Holcaayo)beelahan Oo kasoo kala jeeda beelahaDIREED IYO BEELAHA HAWIYEWAXUUNA SALKA KUHAYAAISIR BAABI'IN  IYO DHUL BALAARSI AY MALEEGEYSOBEESHA HABARGIDIR OO KUCAAN BAXDAY NACAYBKA BEELAHA DIREED EE DHACA KOONFURTA SOMALIA WARARKA NAGA SOO GAARAYA HALKA AY DAGAALADU WALI KASII SOCDAAN.               

Kadib markii shalay galab ay Tuuladda No-50 la wareegeen Maleeshiyaad uu watay General-Falso (Indho-Cadde)ayaa waxaa xalay 4-gees ee magaaladda guuro ku soo galay ciidamo ay hogaaminayaan Dadka deegaanka Sh/hoose ee Biimaal Resistance Army (BRA)loo yaqaan.Maleshiyaadkii indhacadde ayaa laga gubay 3-gawaari oo Tikniko ah,halka laga dilay 35-Maleeshiyaad,iyagoodhaawacii ay ka carareena waxaa lagu daweynayaa Degmadda Marka.Labada dhinac ayaa hadda dhufeys uga jiga goobta loo yaqaan Muuri,waxaana Ciidamadda General-False ay sugayaan gurmadkii 5-aad ee Muqdisho uga yimaado,iyadoo horey cagta loo mariyay 4-gtii gurmad ee Muqdisho looga soo diray iyagoo huwan magaca Cidamadda Dawladda Federaalka tuutana loo soo xiray si loogu ekeysiiyo ciidamo Dawladda Federaalka ka tirsan.Ciidamadda deegaanka Sh/Hoose waxaa horkacaya Gudoomiyaha Degmadda No:50 General C/laahi Waafoow Axmed,iyagoo caawa Xoolo ku qashay gudaha Degmadda No:50,waxayna ku mahdiyeen Alle guushii uu ka siiyay inay Deegaankooda iyo maxastooda iyo caruurtooda ka difaacdaan Mooryaan indha-Cadde oo weli ku riyoonaya inuu Shacabka Sh/hoose uu mar labaad ka iibiyo Webigii-Biyaha,isagoo inta u dhaxaysay 1991-dii ilaa iyo 1998-dii biyaha Webiga ka iibin-jiray Shacabka Deegaanka oo hadda soo baraarugay wacadna ku maray inay iska difaacayaan duulaanka Maleeshiyaadka tuutaha Dawladda loo soo geliyay ee dhul-boobka ah.

Muxyadiin sheekh maxamuud