Shirgudoonka Wakiilada Oo Ku Kala Kacay Fadhi Ay Ka Yeesheen Khilaafka Sharci Ee Ka Dhashay Go’aankii Isku Shaandhaynta Guddiyada.
Posted by xaaji on December 19 2013 18:06:29

Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa shalay ku kala kacay fadhi ay ka yeesheen khilaafka sharci ee ka taagan isku shaandhayntii guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay. 


Extended News

Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa shalay ku kala kacay fadhi ay ka yeesheen khilaafka sharci ee ka taagan isku shaandhayntii guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) oo labadiisa gudoomiye ku xigeen ee koowaad Baashe Maxamed Faarax iyo labaad Cali Yuusuf Axmed ay ku tilmaameen mid xeer hoosaadka golaha baalmarsan, gaar ahaan qodobka 14aad farqadiisa 2aad oo ay ku doodayaan inaan guddiyada xubnahooda dhamaantood mar kaliya la wada bedeli karin, halka sidoo kale gudoomiye Ciro-na ku adkaysanayo in go’aankii isku shaandhaynta guddiyada golaha uu ku sameeyay uu yahay go’aan gole oo aan laga noqonayn marnaba.

Sida ay Hargeysa Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhaw xubnaha golaha wakiilada ayaa sheegay in kulankaasi oo shalay galab ku dhexmaray shirgudoonka wakiilada Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa la sheegay in gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ku adkaystay inaan laga noqonayn go’aankii isku shaandhaynta guddiyada uu ku sameeyay, waxaanay ilo wareedyadu intaa ku darayaan in gudoomiye Ciro iyo labadiisa gudoomiye ku xigeen ku kala kaceen fadhigaasi, isla markaana ay xaaladu ka gaadhay meel xasaasiya oo keentay inay iskugu hanjabeen car iyo car waa maalinta Sabtida soo socota furitaanka kalfadhiga 23aad ee golaha.

Khilaafkan ka dhex oogan shirgudoonka aqalka wakiilada ayaa salka ku haya isku shaandhayntii guddi hoosaadyada uu ku sameeyay gudoomiyaha golahaasi. 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.