Culumadda Soomaaliyeed ee G/Minnesota oo Casho Sharaf ah u Sameeyay Cabdi Warsame.
Posted by xaaji on December 19 2013 18:14:15

Culummada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa munaasabad casho sharaf ah u sameeyay, Cabdi Warsame oo dhawaan loo doortay.


Extended News

Culummada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa munaasabad casho sharaf ah u sameeyay, Cabdi Warsame oo dhawaan loo doortay guddiga maamulka magaalada Minneapolis oo deegaan u ah Soomaali fara badan.

Munaasibaddan oo ka dhacday masaajidka Darul-hijra ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay Sheekh Cabdisalam Shariif Aadan oo ka mida culumada masjidka, macallinna ka ah dugsiyada dadwaynaha ee magaalada St Paul; isagoo sheegay in kulanka uu yahay mid talo lagu siiyo looguna duceeyo Cabdi Warsame oo xilkan culus qaaday.

Waxaa isna ka hadlay goobta Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo imaam ka masjidka Darul-hijra, madaxna u ah urur ay ku midaysan yihiin culumada, isagoo sheegay in hadafka kulankan uu isugu jiro saddex oo kala ah in loo duceeyo Cabdi Warsame, inaan uga mahadcelino dadaalkii dheeraa ee uu gaystay oo uu guusheeda helay iyo ugu in Soomaalida Minnesota ku nool 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay tusaale u noqdaan dadaalka uu Warsame sameeyay; iygana isku dayaan inay u tartamaan kuraas kale.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in masjid dhexdii ay ka dhacday xafladdii iigu harreysay ee la ii sameeyo habeenkii guusha kaddib,” ayuu yiri Cabdi oo si aad ah uga sheekeeyay qisooyin uu la kulmay xiligii abaabulka doorashada uu ku jiray.

“Doorashadan waxaan ku bartay wanaagga dadka Soomaaliyeed, waxaana cafinayaa dadkii ay wax na dhexmareen xilligaa ee Soomaalida ah, iyagana waxaan waydiisanayaa cafis. Dadkayga waan u mahadcelinayaa sidoo kalena waxaan u mahadcelinayaa qoomiyadda Oromadda ee deggen Minneapolis,’ ayuu mar kale yiri Cabdi Warsame.

Sidoo kale, waxaa cashada khudbado qiimo leh ka jeediyay Sh. Axmed Buraale, Ugaas Cashuur, Sheekh Soomow iyo Sheekh Sacad Muuse, kuwaasoo dhamaantood duco iyo dardaaran u jeediyay Cabdi Warsame.

Sannadkan fooda nagu soo haya ee 2014-ka ayaa illaa hadda la og-yahay labo musharrax oo Soomaali ah, kuwasoo daneynaya inay u tartamaan labo xafiis oo mid ku kooban yahay Minneapolis, halka midka kalena uu yahay mid gobolka baarlamaankiisa ah.

xaflad_loo_sameeyay_cabdi_warsame_1.jpg

xaflad_loo_sameeyay_cabdi_warsame_2.jpg

xaflad_loo_sameeyay_cabdi_warsame_4.jpg

xaflad_loo_sameeyay_cabdi_warsame_5.jpg

xaflad_loo_sameeyay_cabdi_warsame_6.jpg

xaflad_loo_sameeyay_cabdi_warsame_7.jpg

Hargeysa Online